Tuesday, June 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashooyinka Baarlamanka Jabuuti oo Maanta Furmaya

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Doorashooyinka Baarlamanka Jabuuti oo Maanta Furmaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saaka oo Jimca ah Dalka Jabuuti waxaa looga dareeray goobaha cod-bixinta Baarlamaanka oo ay ku tartamayaan xisbiyada kala duwan ee Dalkaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee Dalka Jabuuti Diini Maxamed Burhaan, ayaa laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da u sheegay ayaa sheegay inay si hufan u kormeeri doonaan goobaha ay cod-bixintu ka socdaan.

Related posts

IGAD oo ku baaqday Ixtiraamka Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

IGAD oo ku baaqday Ixtiraamka Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

June 23, 2026
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026

Mr; ayaa meesha ka saaray inuu jiro tuhun ah in doorashada lagu Gacan bidxaynayo mucaaradka, wuxuuna sheegay inay taasi tahay kalsooni darro, isagoo intaa raaciyay in mucaarad iyo muxaafadba ay halkaasi u joogi doonaan wakiillo.

Baarlamanka Dalka Jabuuti oo ka kooban 65 Kursi ayaa 55 ka mid ahi waxaa ku fadhiya xisbiga talada Dalka haya ee UNB, halka 10 ka kalena ay haystaan xisbiyada mucaaradka.

Lixdii aroornimo ee Saakay ayay cod-bixintan si isku mid ah ugu billaabatay dhammaan Gobollada Dalkaas, iyadoo ay Kuraasta ugu badan oo ah 35 ay taallo Magaalada Caasimadda ah ee Jabuuti.

Doorashada Baarlamanka Dalka Jabuuti ayaa haddii uu ku guuleysto xisbiga talada haya ee UNB waxay fududeyn kartaa in markii Shanaad xilka Madaxtinimo loo doorto Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Dalkaasi soo xukumayay tan iyo Sanaddii 1999-kii.

Previous Post

Dhageyso: Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgalo ka dhan ah Maleeshiyada Al shabaab ka sameeyay Gobolka Gedo

Next Post

Dhageyso warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Subax ee Radio Muqdisho

IGAD oo ku baaqday Ixtiraamka Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

IGAD oo ku baaqday Ixtiraamka Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

June 23, 2026
0

Jabuuti – 18 Juun 2026: Xoghaynta Urur-Goboleedka IGAD (Intergovernmental Authority on Development) ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
0

Nairobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda,...

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

June 22, 2026
0

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan ee Muqdisho ayaa maanta Howladeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS u sameeyay baaritaan caafimaad oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In