Kulankan wada tashiga ah e ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya, isla markaana ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Wasaradda Haweenka, Xildhibaanno, qaar ka mid ururrada bulshada iyo marti sharaf kale ayaa ujeedkiisu ahaa qaabka ay haweenka uga qabeyn qaadan karaan hanaanka siyaasadeed ee doorashada e 2016ka ka dhici doonta dalka, iyado ay Wasaaraddu soo bandhigtey afarta hanaan doorasho si ay haweenku uga doodaan
Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka oo u badnaa haweyn ayaa ku booriyey ka dowlad ahaan iyo ka haweyn in si mideysan loogu doodo sidii haweenka Soomaaliyed ay u heli lahayen xaquuqda ay ku leeyhiin siyaasadda dalka xilli ay bilooyin kooban ka harsanyihiin xiliga kala guurka ee 2016,
Xildhibaan Qaali Axmed Diiriye ayaa ku boorisay haweenkii ka so qeyb galay kulanka in ay ka wada shaqeeyaan midnimo, una dhaqaaqaan horumarka dalkooda si ay kaalin muuqata uga galaan hanaanka doorashada wadanka
Markuu kulankaasi soo idlaaday ayaa wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xaquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada, gaar ahaan haweenka, maadaama uu ku qotomo doorka haweenka ay ku leeyihiin hanaanka siyaasadeed ee dalka.