Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka sida weyn xil isaga saaray soo dhoweynta iyo maamuuska qaran ee loo sameeyo xuska 1-da May oo ah maalin caalamku uu u asteeyay maalinta shaqaalaha dunida kadib markii sanadkii 1919-kii la isku raacay ururada xoogsatada ama shaqaalaha in ay yihiin kuwo madax bannaan oo qayb ka ah maamulada dowladnimo ee aasaaska u ah jiritaanka Qaran kasta.
1-da bisha May waa maalin xasuus gaar ah u leh ururada shaqaalaha caalamiga ah ee dunida,gaar ahaan ururka shaqaalaha Soomaaliyeed,isla markaana ku qoran diiwaanka taariikhiga ee kaydka u ah Qaramada Midoobay oo xilligaan ay ku bohoobeen in ka badan laba boqol oo dowladood waxaana xuska iyo dabbaaldagyada kale ee loo sameeyo ururada shaqaalaha ay yihiin kuwo xambaarsan murugo iyo farxad ku aadan qaabkii ay ku dhismeen ururadaasi ,tacadiyadii ku dhacay Shaqaalha iyo halgankii ay u soo galeen xoriyadda ay maanta ku naaloonayaan.
Ururka shaqaalaha soomaaliyeed (Sindacato di Lavoratori Somalo ) waxaa lagu dhawaaqay bishii May 1949kii,xilligaasi oo ay jireen dhaqdhaqaaqyadii SYL ee ku guulaystay raadinta jiritaanka dad Soomaaliyeed oo ku nool bariga geeska Afrika ,waana mudadii maamulka dalka Soomaaliya ay gacanta ku hayeen Boqortooyada Ingiriiska oo dagaalkii labaad intii uu socday talada dhulka Soomaaliya kala wareegay gumeysigii Talyaaniga oo tiro ahaan la tilmaamay in ay Soomaaliya ka joogeen 22-kun oo ruux oo isugu jiray ciidamo,maamulayaal iyo shaqsiyaad maamulayay dhul-beereedyada iyo warshadihii ku yaallay dalka.
Xusas iyo dabbaaldagyo kooban oo lagu maamuusaayo 1-da May ayaa dhacay shanti sano ee u horeysay ,waxaana howsha ururkaasi ay ahayd mid si dhow ula jaanqaadeysay urur weynihoo SYL,inkastoo dowladda talyaaniga sanadkii 1950-kii ay dib ugu soo laabatay gudaha dalka Soomaaliya,kadib markii Qaramada Midoobay ay ogolaansho uga heshay in Koonfurta Soomaaliya muddo 10-sano ah la gaarsiiyo xornimo.
Waxaa la oran karaa Sanadkii 1955-tii waa markii ugu horaysay ee uu si rasmi ah u howlgalay ururka shaqaalaha Soomaaliyeed,isla markaana ay bilowdeen in ururkaasi uu ku biiro dhaq-dhaqaaqii shaqaalaha ee loo yaqiinay Trade Union movement (Movimento Sindicale),oo ka jiray dalka Talyaaniga,ururka caalamiga ee is-bahaysiga ganacsiga xorta ah I.C.F.T.,kii urur waynaha shaqalaha Afrikaanka “ All Africain Labour Organazations ururka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka “International Labour Organazation I.L.O iyo urur goboleedka shaqaalaha Afrika.
In kabadan (5300) shan kun iyo sadex boqol oo isuu jiray shaqaale dowlad iyo xoogsato ka howlgal xafiisyada dowladda,beeraha iyo warshadaha ayaa muddo lix sano ah ku biiray ururka shaqaalahhhhha Soomaaliyeed,kadib ,markii ay hirgaleen qodobbo aasaasi ah oo ay kamid ahaayeen dhowrista saacadaha shaqa , wax ka qabashada xaaladaha iyo duruufaha xoogsatada ama shaqaalaha, daryeelka dadka da’da ah ee shaqeeya iyo joojinta shaqooyinka adag ee ay qabtaan caruurta
Sanadihii u dhaxeeyay 1960-kii illaa 1990-waxaa muuqatay in ururka shaqaalaha Soomaaliya uu lahaa awood iyo cudud muuqata oo lagu faani karo,gaar ahaan xilliyadii ay jireen xiriirka guud ee ururada shaqaalaga oo lagu baddalay magacii ururka shaqaalaha Soomaaliyeed door wayn oo la taaban karo ka qaateen baraarujinta bulshadda iyo kobcinta xagga aqoonta shaqaalaha soomaaliyeed ,taaasina waxay tusaale fiican oo lagu faani karo gaarsiisay hogaamiyaashii xiriirka guud ee ururka shaqaalaha soomaaliyeed.
Xiriirkaasi waxa uu muddo kooban ku guulaystay sare u qaadidda aqoonta shaqaalaha ee dhinacyada siyaasadda iyo arimaha bulshada ,gaar ahaan tababarada la xiriira xirfadaha iyo la xisaabtanka maamulka dowladnimo ee Soomaaliya iyo ka warqabka shaqaalaha muruqmaalka rayidka ah ee ka shaqeeya beeraha , warshadaha iyo xafiisyada dalka,taasina waxa ay ururka ka dhigtay mid awood leh oo wax la qaybsan kara ururka caalamiga ah ee shaqaalaha ILO
Burburkii dowladnimo ee ka dhacay dalka wuxuu dhaawac wayn u gaystay xusaskii iyo dabbaaldegyadii qaran ee uu caalamka ugu talagalay munaasabadda maalinta shaqaalaha dunida kadib markii uu meesha ka baxay xiriirka guud ee ururada shaqaalaha ,taasina waxay dhalisay in la waayo cid u naxda ama wax u qabata shaqaalaa Soomaaliyeed mudadii dalka ay ka howlgalayeen hey’adaha dowliga ah,kuwa aan dowliga aheyn iyo NGO-yada maxalliga ah ee gudaha Soomaaliya,mudadii u dhaxeysay 20-kii sano ee la soo dhaaafay
Guddigga qaran ee shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliya oo dhowr iyo 10-kii sano ee u dambeeyay matalaayay magacii shaqaalaha ayaa ku guuleystay in uu qaato doorkii wax ku oolka ahaa ee looga fadhiyay habsami u socodsiinta howlaha dowladnimo,ee ka socda dalka,gaar ahaan la socodka xaaladda shaqaalaha iyo qabashada xafladaha taariikhiga ah ee lagu maamuusaayo maalinta shaqaalaha ee 1-da May .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo R/wasaaraha xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay xuska 98-aad ee a soo wareegatay aasaaska shaqaalaha dunid iyo kan shaqaalaha Soomaaliya ee 68-aad , ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan shaqaalaha adduunka gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo xaasaskooda meel kasta oo ay joogaan.
Madaxda dowladdu waxa ay ka warameen doorka shaqaalaha Soomaaliyeed iyo dadaalkii ay u soo galeen horumarka dalka ,iyagoo ballan qaaday in xukuumaddu ay joogteyn doonto xuquuqda shaqaalaha iyo aqoontoodaba.
Mudane Farmaajo iyo mudane Kheyre ayaa ku booriyeen shaqaalaha in ay halkaasi ka sii wadaan waajibaadka ay u hayaan dadka iyo dalka. Waxayna u rajeeyeen shaqaalaha Soomaaliya in sanadkan kiis kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.
Maanta waxaa muuqda in shaqaalaha Soomaaliya ay gacan weyn ka geysan karaan arrimaha shaqada iyo shaqalaaha, isla markaana door ku yeelan karaan horumarka bulshada,iyadoo mudnaanta la siinayo dhallinyaradda maanta ee jiilka cusub,una abuuraya shaqooyin dhiirigalinaya in kor loo qaado aqoonta iyo hammiga shaqaalaha iyo dhanka dhaqaalaha dalka soomaaliyeed, taasoo aan fileyno in ay qeyb libaax ka qaadan doonto horumarka bulshada soomaaliyeed.
W/Qoray Shire Xasan Kulmiye