Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlad Goboleedka Galmudug oo Jaangoyn u sameeyeysay Sarifka Lacagaha oo muran ka taagnaa.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
War Saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ganagsatada Gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada cadaado waxay ku  shaaciyeen in hadda wixii ka dambeeya ay si toos ah ay Gobollada Dhexe looga qaadan doono lacagihii shilin Soomaaliga ah,kadib  muddooyinkii ugu dambeeyey aan laga isticmaalijirin inta badan koonfurta iyo bartamaha Dalka, taasoo sababtay in dadwaynuhu ay cabasho ka muujiyaan.

Sidoo kale waxaa jiray shir ay dhawaan magaalada Garoowe ku yeesheen ganacsatada Gobolada Dhexe iyo Ganacsatada Puntland,kuwaas oo ka wada hadlay sidii loo socodsiinlahaa lacagaha Shillin soomaaliga ah.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

“Magacaygu waa Cabdulqaadir Axmed Dhoorre, oo kamida Ganacsatada Galmudug, waxaan rabaan inaan idiin sheego in Ganacsatada Gobollada Dhexe ay juhdi badan geliyeen sidii looga shaqaysiinlahaa lacagta Shillin Soomaaliga ah, iyagoo meelo kala duwan u tegey arrintaas, waxaan maantay u sheegeynaa dadweynaha in hadda wixii ka dambeeya aan qaadandoonno lacagahaas”, Ayuu yir Ganacsade C/qaadir.

“Magacaygu waa Cali Mahad Jamaal Ciise oo ah GuddoomiyeKu Xigeenka rugta ganacsiga Galmudug, waxaan halkaan isugu nimid in aan ka wada hadalno danta ka dhaxaysa keenna hantida haysta iyo keenna baahan, kulamo badan oo aan yeelannay waxaan isla aqbalnay in lacagtaas la qaato”,

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Galmudug Maxamed Axmed faarax oo ka hadlay kulankaasi, ayaa sheegay in dhammaan maamulladu ay isla garteen in la socodsiiyo lacagahaas, sidoo kalena xusay in jaangoyn loo sameeyey sarifka lacagaha, wuxuuna ka digay in heshiiskaas la jebiyo .

Previous Post

Wasiirka Amniga K/Galbeed oo faah faahiyay dagaalkii Bokool

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Sheegay in Dhalinyaro Badan laga shaqaaleysiin Doonaan Gobolka Banaadir(Dhageyso).

Next Post
R/wasaare Kheyrre oo ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu Aruurinayey Abaaraha ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Sheegay in Dhalinyaro Badan laga shaqaaleysiin Doonaan Gobolka Banaadir(Dhageyso).

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In