Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlad Goboleedka Galmudug oo Jaangoyn u sameeyeysay Sarifka Lacagaha oo muran ka taagnaa.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
War Saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ganagsatada Gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada cadaado waxay ku  shaaciyeen in hadda wixii ka dambeeya ay si toos ah ay Gobollada Dhexe looga qaadan doono lacagihii shilin Soomaaliga ah,kadib  muddooyinkii ugu dambeeyey aan laga isticmaalijirin inta badan koonfurta iyo bartamaha Dalka, taasoo sababtay in dadwaynuhu ay cabasho ka muujiyaan.

Sidoo kale waxaa jiray shir ay dhawaan magaalada Garoowe ku yeesheen ganacsatada Gobolada Dhexe iyo Ganacsatada Puntland,kuwaas oo ka wada hadlay sidii loo socodsiinlahaa lacagaha Shillin soomaaliga ah.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

December 18, 2025

“Magacaygu waa Cabdulqaadir Axmed Dhoorre, oo kamida Ganacsatada Galmudug, waxaan rabaan inaan idiin sheego in Ganacsatada Gobollada Dhexe ay juhdi badan geliyeen sidii looga shaqaysiinlahaa lacagta Shillin Soomaaliga ah, iyagoo meelo kala duwan u tegey arrintaas, waxaan maantay u sheegeynaa dadweynaha in hadda wixii ka dambeeya aan qaadandoonno lacagahaas”, Ayuu yir Ganacsade C/qaadir.

“Magacaygu waa Cali Mahad Jamaal Ciise oo ah GuddoomiyeKu Xigeenka rugta ganacsiga Galmudug, waxaan halkaan isugu nimid in aan ka wada hadalno danta ka dhaxaysa keenna hantida haysta iyo keenna baahan, kulamo badan oo aan yeelannay waxaan isla aqbalnay in lacagtaas la qaato”,

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Galmudug Maxamed Axmed faarax oo ka hadlay kulankaasi, ayaa sheegay in dhammaan maamulladu ay isla garteen in la socodsiiyo lacagahaas, sidoo kalena xusay in jaangoyn loo sameeyey sarifka lacagaha, wuxuuna ka digay in heshiiskaas la jebiyo .

Previous Post

Wasiirka Amniga K/Galbeed oo faah faahiyay dagaalkii Bokool

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Sheegay in Dhalinyaro Badan laga shaqaaleysiin Doonaan Gobolka Banaadir(Dhageyso).

Next Post
R/wasaare Kheyrre oo ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu Aruurinayey Abaaraha ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Sheegay in Dhalinyaro Badan laga shaqaaleysiin Doonaan Gobolka Banaadir(Dhageyso).

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

December 18, 2025
0

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay doorashooyinka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

December 18, 2025
0

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka gawaarida gaashaaman ee MU ayaa howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

December 18, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay Warbixinta Waxqabadka Sannadka 2025, iyadoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In