Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, September, 5, 2018:- Wasirika Waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane  Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta si wada jir ah u Guddoomiyay shir looga hadlayay mashruuc cusub oo dowladda Jarmalka ugu talo gashay in lagu horumariyo Waxbarashada iyo Caafimaadka.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Madaxa arrimaha iskaashiga Safaraadda Jarmalka Mr. Marius Rauh, Madaxa ururka KFW Claudia buerkin, ku xigeenka u qeybsanaha  hay’ada UNICEF Soomaaliya Mr. Jesper Moller, ku xigeenka madaxa hay’adda WFP ilaria Dettor Iyo hawlwadeeno kale, ayaa kulanka goob joog ka ahaa.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa dowladda Jarmalka uga mahad celiyay tageerada ay markasta la garab taagan tahay Soomaaliya.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in  mashariicdan ay wax badan ka tari doonaan adeegyada Waxbarashada iyo caafimaadka, isla markana nafaqeynta carruurta  ay kor u qaadi doonto, fahamka carruurta ee dhanka Waxbarashada.

“Waxaan bogaadinaya howshan sida wada jirka ay u fulin doonaan hay’adaha UNICEF iyo WFP,  nafqeynta carruurta, waxay door ka qaadaneysa fahamka carruurta ee Waxbarashada, sidaas darteed ka Wasaarad ahaan waxaan kaalin ka qaadan doonaan fulinta masharuucan”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kula dardaarmay howlwadeenada fulin doona mashruucan inay ka miro dhaliyaan howsha loo igmaday.

 

 

 

Previous Post

Shir looga hadlay kaarka Aqoonsiga Soomaaliya oo ka dhacay Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”

Next Post

Procuring Entity: Ministry of Finance

Next Post

Procuring Entity: Ministry of Finance

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In