Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlay kaarka Aqoonsiga Soomaaliya oo ka dhacay Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlay kaarka Aqoonsiga Soomaaliya oo ka dhacay Imaaraadka Carabta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir ka dhacay magaalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa soo qaban qaabisay qunsuliyadda Soomaaliya ee Dubai, kaasi oo ay ka qeyb galeen ganacsato, Mas’uuliyiinta Safaaradda iyo xubno kale.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ganacsatadu ugala shaqyan lahaayeen Dawladda Soomaaliya qaadashada kaarka Aqoonsiga Dhalashada ee (National ID), kaasi oo muhiimad gaar ah u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Dalka Imaaraadka Carabta ku nool.

Safiirka Soomaaliya  u fadhiya Imaaraadka  Mudane Axmed Global oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid lagu doonayo in lagu hirgeliyo mashruuca qaadashada kaarka Aqoonsiga.

“Mashruucan muddo sanad ah ayuu soo socday, waxaana ugu looga hadlay sida lagu hirgelin karo mashruuca kaarka Aqoonsiga, waxaa la qorsheeyay in qofkasta oo Soomaali ah loo helo kaarka aqoonsiga oo muujieysa, waxaana faa’iidooyinka ka mid ah in qofkasta uu sameysan karo account bak, in qofka uu helo waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Danjire Axmed.

Gancsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Imaaraadka ayaa goobta ka jeediyay baahiyaha ay u qabaan kaarka Aqoonsiga dhalashada ee Qaran (National ID), iyagoo tilmaamay in kulanka ay waxbadan isku dhaafsadeen ganacsatada iyo mas’uliyiinta ka qeyb gashay

Gabagabadii Madaxa Istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa sheegay in mashruucan uu lagama maar maan u yahay ganacsatada, maadaama ay adeegsadaan xawilaadda, taasi oo u sahleysa in qofka uu helo kaarka aqoonsiga dhalashada, isla markaana uu noqdo qof la aqoonsanyahay.

“Muddo ka badan sanad ayaan soo wadnay howshan, Kaarka aqoonsiga waxaa kaloo uu naga anfacayaa Dowladnimada Qaranka, oo ah aruurinta cashuuraha, taakuleynta bulshada, arrimaha amniga ” ayuu yiri Dr Nuur.

 

 

Previous Post

Guddoomiye Yarisow oo Ankara kaga qeyb galay Shirka Guud ee Midowga Caasimadaha Adduunka “SAWIRRO

Next Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka “SAWIRRO”

Next Post
Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka “SAWIRRO”

Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In