Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiisyo kala saxiixday

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiisyo kala saxiixday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo si wadajir ah saxaafadda ula hadlay ayaa bogaadiyey wada-xaajoodyada ku aaddan iskaashiga Soomaaliya iyo Suudaan, iyaga oo dhabbaha u xaaray heshiisyo taariikhi ah oo ay wada saxiixdeen labada dowladood.

Madaxweynaha dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay iskaashi buuxa oo dhexmara Soomaaliya iyo Suudaan iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in kor loo qaado xiriirka ka dhexeeya wadamada Geeska Afrika.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

“Mudane Madaxweyne, muddo labo maalmood ah oo aad nala joogteen aad bay noo farxad galisay. Maanta baahi wayn ayaan u qabnaa in aan garabkeenna ka aragno Soomaaliya oo midaysan, horumarsan oo awood leh, waana naga go’antahay in aan garab idinku siinno.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo shacabka Suudaan sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey kaalinta Suudaan ay ka qaadatay waxbarashada ardayda iyo tayeynta laamaha ammaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa yiri “waxaan ku xaqiijinaaya Mudane Madaxweyne in higsigeenna ku aaddan iskaashiga iyo horumarka uu mira dhal u muuqda, haddii aan Alle kaashanno, kana dhabayno qorsheyaasha aan hiigsaneyno.”

Intaas kaddib, Wasiirada labada dowladood ee wada xaajoodka ka qayb galay waxa ay heshiisyo ku kala saxiixdeen xarumaha Wasaaradaha Dowladda Suudaan. Heshiisyadan ayaa ku saabsan amniga, iskaashiga caalamiga ah, waxbarashada, beeraha, fanka, ciyaaraha, socdaalka iyo duulista hawada. Diblomaasiyiinta ka hawlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa iyagana tababarro ku qaadan doona dalka Suudaan.

Fulintan heshiisyadan ayaa waxaa loo xilsaaray guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dowladood kuwaas oo yeelan doona kulamo joogto ah. Waa heshiisyadii ugu ballaarnaa ee ay galaan taniyo markii uu soo bilowday xiriirka labada dawladood.

Dhanke kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa galinkii hore kormeeray warshadda lacagta, gaar ahaan kayd ay ku jirto lacag cusub oo dowladda Suudaan ay u daabacday Soomaaliya oo hawsheedu ay soo bilaabatay 2011kii iyo warshadda Yarmuuk ee soo saarta qalabka ciidamada.

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo soo xirtay shir wadatashi ah+Sawirro

Next Post

Dhageyso+Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah

Next Post
Dhageyso+Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah

Dhageyso+Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay soo daabacayso Lacag cusub oo shilin Soomaali ah

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In