Saturday, November 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka oo sheegtay in aan loo dulqaadan doonin tacadiyada haweenka loo geysto

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 7da Maarso 2015 – Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar, ayaa sheegtay in aan loo dulqaadan doonin tacadiyada haweenka loo geysto. Wasiir Sahra ayaa tiri “Bacdamaa loo diyaar garoobayo munaasabadda maalinta Haweenka ee 8da Maarso waxaa muhiim ah in bulshada laga wacyi geliyo dhibaatooyinka tacadiyada haweenka, oo dhaqan ahaan iyo diinteena suuban-ba lagu sheegay in shaqsiga karaamadiisa iyo sharafkiisa loo baahan yahay in kor loo qaado, lagana badbaadiyo dhammaan tacadiyada oo dhan.

“Soomaalidu waa dad aad u ixtiraama dumarka oo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba falalka tacadiyada ay ahaayeen kuwo bulshada meel uga soo wada jeesato, hase yeeshee dad yar oo kooban ayaa caadeystay inay dumarkeena xumeeyaan, taasna ma aha mid aan aqbali karno. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la horumariyo xaquuqda dumarka, carruurta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Siyaasad cad-cad baana ka leenahay oo aan marnaba loogu dulqaadan karin falalka noocan oo kale ah. Caalamka oo dhan waxaa la isku raacsan yahay inay lama taabtaan tahay xaquuqda muwaadiniinta, waxaana aragnaa sida gabdhaha iyo haweenka dalka India ay maalmahan ugu bannaan baxayeen si ay u muujiyaan sida aysan raalli uga aheyn tacadiyada loo geysto dumarka oo ay dalbanayeen in wax laga qabto. Waan la qabnaa walwalkaas oo waan la murugooneynaa, waana inaan cashar ka baranaa caalamka intiisa kale.”

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

November 8, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025

Wasiir Sahra ayaa ugu danbeystii ku soo gabogabeysey hadalkeeda “Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka waxaan ugu baaqayaa inay doorkooda muhiimka ah ka qaataan sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka tacadiyada si aan u wada gaarno heer loo wada joojiyo dhammaan tacadiyada loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed. “

DHAMAAD

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo marti ku ahaa barnaamijka Kulanka Todobaadka”Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Waaxda dabdamiska dowladda Hoose ee Xamar oo tababar loo soo geba gebeeyay”SAWIRRO”

Next Post
Waaxda dabdamiska dowladda Hoose ee Xamar oo tababar loo soo geba gebeeyay”SAWIRRO”

Waaxda dabdamiska dowladda Hoose ee Xamar oo tababar loo soo geba gebeeyay”SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RIYAD):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BRAZIL):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee...

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(UGANDA):- 498 Sarkaal oo 48 ka mid ah ay yihiin Saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa maanta...

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In