Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka oo sheegtay in aan loo dulqaadan doonin tacadiyada haweenka loo geysto

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 7da Maarso 2015 – Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar, ayaa sheegtay in aan loo dulqaadan doonin tacadiyada haweenka loo geysto. Wasiir Sahra ayaa tiri “Bacdamaa loo diyaar garoobayo munaasabadda maalinta Haweenka ee 8da Maarso waxaa muhiim ah in bulshada laga wacyi geliyo dhibaatooyinka tacadiyada haweenka, oo dhaqan ahaan iyo diinteena suuban-ba lagu sheegay in shaqsiga karaamadiisa iyo sharafkiisa loo baahan yahay in kor loo qaado, lagana badbaadiyo dhammaan tacadiyada oo dhan.

“Soomaalidu waa dad aad u ixtiraama dumarka oo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba falalka tacadiyada ay ahaayeen kuwo bulshada meel uga soo wada jeesato, hase yeeshee dad yar oo kooban ayaa caadeystay inay dumarkeena xumeeyaan, taasna ma aha mid aan aqbali karno. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la horumariyo xaquuqda dumarka, carruurta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Siyaasad cad-cad baana ka leenahay oo aan marnaba loogu dulqaadan karin falalka noocan oo kale ah. Caalamka oo dhan waxaa la isku raacsan yahay inay lama taabtaan tahay xaquuqda muwaadiniinta, waxaana aragnaa sida gabdhaha iyo haweenka dalka India ay maalmahan ugu bannaan baxayeen si ay u muujiyaan sida aysan raalli uga aheyn tacadiyada loo geysto dumarka oo ay dalbanayeen in wax laga qabto. Waan la qabnaa walwalkaas oo waan la murugooneynaa, waana inaan cashar ka baranaa caalamka intiisa kale.”

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026

Wasiir Sahra ayaa ugu danbeystii ku soo gabogabeysey hadalkeeda “Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka waxaan ugu baaqayaa inay doorkooda muhiimka ah ka qaataan sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka tacadiyada si aan u wada gaarno heer loo wada joojiyo dhammaan tacadiyada loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed. “

DHAMAAD

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo marti ku ahaa barnaamijka Kulanka Todobaadka”Dhageyso+Sawirro”

Next Post

Waaxda dabdamiska dowladda Hoose ee Xamar oo tababar loo soo geba gebeeyay”SAWIRRO”

Next Post
Waaxda dabdamiska dowladda Hoose ee Xamar oo tababar loo soo geba gebeeyay”SAWIRRO”

Waaxda dabdamiska dowladda Hoose ee Xamar oo tababar loo soo geba gebeeyay”SAWIRRO”

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin ah loogu sameeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, oo tababar...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sarreeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo Agaasimaha...

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In