Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka oo xoojineysa isla-xisaabtanka Ciidanka XDS

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo in muddo ah waday isla xisaabtanka hay’adaha Dowladda si loola dagaallamo musuqmaasuqa, ayaa bilowday daraasad lagu hubinaayo tirada ciidamada iyo bixinta mushaaraadka si ciidanka loogu dhiirrigeliyo dagaalka lagula jiro kooxaha aragaxisada ah.

Maadaama ay socoto daraasad lagu qiimeynayo awooda ciidanka (Operational Readiness Assessment) ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka waxa ay isla garteen in muddo kooban la hakiyo taageerada cutubyo ka tirsan ciidanka XDS si dib u qaabayn loogu sameeyo gargaarka amniga.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Hakinta waxa ay salka ku haysaa keddib markii ay Dowladda Mareykanka soo dirtay guddi baaris ku sameeya meelaha lagu bixiyo kaalmada Mareykanku siiyo ciidamada bishii May ee sanadkan si dib u habeyn loogu sameeyo hannaanka loo caawiyo ciidamada iyo in la xaqiijiyo in kaalmada loogu talagalay ciidamadeenna ay gaaraan meelaha loo qoondeeyay. Guddigaas waxa ay daba socdeen in ay xaqiijiyaan sidii loo isticmaalay kaalmadii ay Mareykanu bixiyeen dhawrkii sano ee u dambeysay.

Markii uu Barlamaanku ansixiyay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre bishii Abriil ee sanadkan, waxaan albaabada u furnay saaxiibada naga taageera arrimaha ciidamada si aan u abuurno nidaam ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.

Iyada oo taasi laga duulayo, waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay guddi baaritaan kusoo sameeya tirada iyo tayada ciidamada Milatariga iyo Booliiska, meelaha ay kala joogaan iyo qalabka ay haystaan.

Hakintan wax saameyn ah kuma laha heshiiskii ay labada dhinac kala saxiixdeen 5tii bishan iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku ku bixiso cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Ciidamada XDS.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilowday in ciidamadeenna lagu diiwaangeliyo qaab electronic ah oo ka hortagaya in la musuqmaasuqo mushaaraadka ciidamada, laguna xaqiijinayo tirada iyo tayada ciidanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dib-u-habeyn dhab ah lagu sameeyo ciidamada iyo hay’adaha maaliyadda, lana xoojiyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Waxaan u mahadcelinaynaa Dowladdda Mareykanka iyo Dowladaha kale ee aan saaxiibka nahay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu dambeysay heshiisyadii labo dhinaclaha ahaa ee aan wada saxiixannay toddobaayadii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, waxaan soo dhaweynaynaa warbixintii Sanduuqa Lacagta Adduunka uu sii daayay toddobaadkii hore kaas oo lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ku guuleysatay qorshihii ay sanadkan ku heshiiyeen hay’adda IMF kaas oo muujinaya in lagu kalsoonyahay hay’adaha maaliyadda dalka.

DHAMMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
[email protected]

Previous Post

Shirweyne looga hadlayay sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen carruurta ku jirta xeryaha qaxootiga oo lagu qabtay Jabuuti

Next Post

Madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf oo Gaalkacyo ka furay Gogol Nabadeed+(Sawirro)

Next Post
Madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf oo Gaalkacyo ka furay Gogol Nabadeed+(Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf oo Gaalkacyo ka furay Gogol Nabadeed+(Sawirro)

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In