Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Ingiriiska oo si cad u muujisay taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 weeks ago
in Wararka
0
Dowladda Ingiriiska oo si cad u muujisay taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah u xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada buuxda ee midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo caddeysay in aan la aqbali karin tallaabo kasta oo lagu dhaawacayo qaranimada dalka Soomaliya.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

January 24, 2026

Dowladda Ingiriiska ayaa mowqifkan ku muujisay qudbad heer sare ah oo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka jeediyay wakiilka Dowladda Ingiriiska u fadhiya QM, intii uu socday kulankii degdegga ahaa ee ay Soomaaliya dalbatay, kaas oo lagu falanqeeyay faragelinta dibadeed iyo khataraha ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

 

Wakiilka Dowladda Ingiriiska ayaa si cad u sheegay in Boqortooyada Ingiriiska aysan sinaba u aqbali doonin kala-qaybin ama kala-go’ lagu sameeyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya tahay dal mideysan oo leh xuduudo caalami ah oo si buuxda loo aqoonsan yahay, isla markaana arrimaha gudaha ee dalka ay si gaar ah u quseeyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

 

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa tilmaantay in ay si qoto dheer ula socoto xaaladaha siyaasadeed, amni, iyo bulsho ee ka jira guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan gobollada waqooyi, ayna ka go’an tahay in ay taageerto dadaallada sharci iyo diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Previous Post

Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka

Next Post

Madaxweynaha JFS iyo Dhigiisa Dalka Turkiga oo kulan muhiim ah uga socda Istanbuul

Next Post
Madaxweynaha JFS iyo Dhigiisa Dalka Turkiga oo kulan muhiim ah uga socda Istanbuul

Madaxweynaha JFS iyo Dhigiisa Dalka Turkiga oo kulan muhiim ah uga socda Istanbuul

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO(PAKISTAN):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar...

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

Xildhibaannada Golaha Shacabka JFS oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan rasmi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulanka maanta ayaa...

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland oo sii xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In