Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Ingiriiska oo si cad u muujisay taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 months ago
in Wararka
0
Dowladda Ingiriiska oo si cad u muujisay taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah u xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada buuxda ee midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo caddeysay in aan la aqbali karin tallaabo kasta oo lagu dhaawacayo qaranimada dalka Soomaliya.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Dowladda Ingiriiska ayaa mowqifkan ku muujisay qudbad heer sare ah oo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka jeediyay wakiilka Dowladda Ingiriiska u fadhiya QM, intii uu socday kulankii degdegga ahaa ee ay Soomaaliya dalbatay, kaas oo lagu falanqeeyay faragelinta dibadeed iyo khataraha ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Wakiilka Dowladda Ingiriiska ayaa si cad u sheegay in Boqortooyada Ingiriiska aysan sinaba u aqbali doonin kala-qaybin ama kala-go’ lagu sameeyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya tahay dal mideysan oo leh xuduudo caalami ah oo si buuxda loo aqoonsan yahay, isla markaana arrimaha gudaha ee dalka ay si gaar ah u quseeyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa tilmaantay in ay si qoto dheer ula socoto xaaladaha siyaasadeed, amni, iyo bulsho ee ka jira guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan gobollada waqooyi, ayna ka go’an tahay in ay taageerto dadaallada sharci iyo diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Previous Post

Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka

Next Post

Madaxweynaha JFS iyo Dhigiisa Dalka Turkiga oo kulan muhiim ah uga socda Istanbuul

Next Post
Madaxweynaha JFS iyo Dhigiisa Dalka Turkiga oo kulan muhiim ah uga socda Istanbuul

Madaxweynaha JFS iyo Dhigiisa Dalka Turkiga oo kulan muhiim ah uga socda Istanbuul

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In