Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 months ago
in Wararka
0
Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo  Ka Dhacay  Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay bannaanbaxyo waaweyn oo si adag looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka Israa’iil ku hayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026

Bannaanbaxyadan ballaaran ayaa si gaar ah uga dhacay magaalooyinka Muqdisho, Laascaanood, Baydhabo, Xudur, Cadaado, iyo Guriceel, halkaas oo kumannaan dadweyne ah isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn, iyagoo watay calanka Soomaaliya, si ay dunida ugu muujiyaan midnimo qaran iyo dal-jacayl.

Dadkii ka qeyb galay bannaanbaxyada ayaa ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo ay si cad ugu muujinayeen diidmada ay ka qabaan isku day kasta oo Israa’iil ku aqoonsanayso ama ku taageereyso kala-go’ ama kala-qaybin lagu sameeyo dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada waqooyi ee dalka.

Dibadbaxayaasha ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya tahay hal dal oo mid ah, lehna xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay, isla markaana ay waajib tahay in la ixtiraamo madaxbannaanideeda iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin, waxgarad, dhaliyaro, Haweyn, iyo culimo ka hadlay bannaanbaxyada ayaa ugu baaqay beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo dalalka caalamka, in ay sii xoojiyaan tageeradooda kana horyimaadaan faragelinta Israa’iil iyo tallaabo kasta oo khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Sidoo kale, shacabka bannaanbaxa sameeyay ayaa muujiyay taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku booriyay in ay sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu difaacayo madaxbannaanida, midnimada, iyo qaranimada dalka.

Ugu dambayn, bannaanbaxyadan ka dhacay magaalooyinka kala duwan ee dalka ayaa lagu tilmaamay farriin midnimo qaran, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga soo horjeedaan xadgudub kasta oo lagu sameeyo dalkooda, isla markaana ay diyaar u yihiin difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Dowladda Ruushka oo taageertay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Next Post

Dowladda Ingiriiska oo si cad u muujisay taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Next Post
Dowladda Ingiriiska oo si cad u muujisay taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska oo si cad u muujisay taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee...

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In