Tuesday, April 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Itoobiyo oo lagu eedeeyay inay xasuuq ba’an ka gaysatay Gobalka Amxaarada

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Dowladda Itoobiyo oo lagu eedeeyay inay xasuuq ba’an ka gaysatay Gobalka Amxaarada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul Insaanka Itoobiya, ayaa sheegay in Ciidanka Amniga dowladda ay gobolka Amxaarada ku dileen ugu yaraan 45 ruux oo shacab ah dabayaaqadii Jannaayo ee sanadkaan.

War saxaafadeed ka soo baxay guddiga xuquul Insaanka Itoobiya “Ethiopian Human Rights Commission EHRC”, ayaa lagu sheegay in ciidanku ay dileen shacab aan waxba galabsan kuwaas oo maamulka Abiy Axmed ku eedeeyeen in ay taageersan yihiin jabhadda Amxaarada ee Fano.

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

Xasuuqa ay ciidanka maamulka Addis Ababa geysteen ayaa ka dhacay magaalada Merawi ee gobolka Amxaarada, halkaas oo ciidanka Abiy ay ku wajahayeen jabhadda hubeysan ee Fano ee qowmiyadda Amxaarada.

Tewodrose Tirfe, oo ah hoggaamiyaha urur u dhaq dhaqaaqa xuquuqda dadka Amxaarada ee fadhigiisu yahay Mareykanka, ayaa sheegay in ciidanka maamulka Abiy ay adeegsanayeen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee drone-ka, kuwaas oo si aan kala sooc lahayn loogu duqeeyo goobaha Rayidka ku sugan yihiin oo ay magaalooyinka ku jiraan.

Todobaadkii hore Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay xasuuqa ka dhacaya gobolka waqooyi ee dalka Itoobiya, ka dib markii ay kordheen dilal loo geysanayo shacabka Amxaarada oo isirkooda dartiis loo beegsanayo.

War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Addis ababa, ayaa lagu dalbaday in dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Amxaaradda loo baahan yahay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya ka qaylo dhaamiyo falalka gurracan ee ciidanka maamulka Abiy Axmed ka wadaan gobolka Amxaarada, bishii September ee kal hore, guddiga EHRC waxay sheegeen in ay dowladda fulisay dilal sharciga ka baxsan.

Previous Post

Wafdi ka socdo JFS oo Xarunta Midowga Africa uga Qayb Galay Shir looga hadlaayo Hawlgalka ATMIS

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Kismaayo 

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Kismaayo 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Kismaayo 

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In