Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo Nus Malyuun lacag ah ku taageereysa dhibanayaasha weerarkii Liido

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Dowladda oo Nus Malyuun lacag ah ku taageereysa dhibanayaasha weerarkii Liido
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in DFS ay ku deeqeyso nus malyuun dollar oo wax laga qabanayo daryeelka caafimaadka ee dadkii ku waxyeeloobay weerarkii ay khawaariijta AS ku qaaday xeebta Liido.

Wasiir Daua’uud  Aweys Jaamac oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho maanta ayaa waxa uu sheegay in shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada ku yeesheen magaalada Muqdisho ay ku go’aamiyeen in nus malyuun doolar lagu kabo si loogu kaabo daryeelka caafimaadka ee dadkii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay masiibadii ka dhacday Xeebta Liido.

Related posts

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Daa’uud ’ud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Golaha Wasiirada oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ay go’aamiyeen in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kaalinteeda ka qaadato gurmadka socda.

Mudane Daa’uud Aweys ayaa ka tacsiyadeeyay u ehellada, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadkii ku waxyeeloobay masiibada Xeebta Liido isagoo u mahadceliyay dadkii ka qeyb qaatay gurmadka caafimaadka ee loo fidiyay dhaawacyada.

 

 

 

 

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo faahfaahin ka bixiyay qasaarihii ka dhashay qaraxii Liido

Next Post

Qorshaha Horumarinta Dagmada Gaalkacyo oo la meelmariyey

Next Post
Qorshaha Horumarinta Dagmada Gaalkacyo oo la meelmariyey

Qorshaha Horumarinta Dagmada Gaalkacyo oo la meelmariyey

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay si taxaddar leh uga fuliyeen duleedka degmada Afgooye...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Shirka...

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026
0

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo muujinayay dareenkooda ka dhanka ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

January 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In