Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Qadar oo canbaaraysay go’aan ka dhan ah falastiin oo ka soo baxay kaniisada Israi’l

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda Qadar oo canbaaraysay go’aan ka dhan ah falastiin oo ka soo baxay kaniisada Israi’l
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Qadar ayaa si kulul u canbaaraysay qaanuun cusub oo ay Isra’il iqaamada kala noqonayso Falastiiniyinta  deggan bariga Qudus hadii ay sugnaanto in Falastiiniyiintaasi ay xiriir la leeyihiin waxa ay ugu yeereen Ururada xagjirka ah.

Bayaanka ka  soo baxay Dowladda Qadar ayaa intaa raaciyay in qanuunkaasi iqaamada lagala noqonayo Falastiiniyiinta ku nool Bariga Qudus oo ka soo baxay Kaniisada Isra’il uu awood buuxda u siinayo Wasiirka arrimaha gudaha ee Israi’il inuu qaado talaabo kasta ee ka dhannka falastiiniyiintaasi hadii lagu cadeeyo inay xiriir la leeyihiin waxa ay ugu yeereen Argagixisada.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Dowladda Qadar ayaa ku tilmaantay qaraarka ka soo baxay Kaniisada Isra’il in uu khilaafsanyahay Qaanuunka Dowliga ah ,kan bani’aadanimada  iyo heshiiyada qaramada midoobay ee xuquul insaanka la xiriir,waxayna Qadar ugu baaqday mujtamaca dowliga inay ka hortagaan talaabadan.

Dhanka kale waxay Dowladda Qadar ay muujisay  inay sii xoojinayso taageerada dhan kasta ah oo ay u fidinayso shacabka falastiin sidii uu uga talin lahaa masiirkiisa sharciga oo ay ka mid tahay dhismaha dowlad Falastiin ah oo madax banana xuduudeeduna yahay kii sanadkii 1967-dii, isla markaana caasimadeedu tahay magaalada barakeysan ee Qudus.

Qaanuunkan cusub oo ay kaniisada Isra’il dhowaan soo saartay ayaa qoraya in 320 kun falastiiniyiin ah oo ku nool bariga magaalada Qudus aysan muwaadiniin aheyn.

Dhanka kale Ururka midowga Yurub bayaan uu jimcihii soo saaray  ayaa ka digay in Israi’il ay meel mariso qaaraarkan cusub ay kula dhaqmayso falastiiniyiinta deggan bariga Qudus.

Sidoo kale Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa canbaaraysay qaanuunka cusub kaniisada Israi’l ay soo saartay kaasoo ka dhan ah falastiiniyiinta deggan Bariga magaalada Qudus,waxayna talaabadaa ku tilmaantay mid aan sharci aheyn   dimoqoraadiyadana ka soo horjeeda.

Previous Post

Sawirro+Munaasabad lagu soo dhaweynaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ka dhacaday Dhuusamareeb

Next Post

President farmaajo opens sessions of parliamentary houses

Next Post
President farmaajo opens sessions of parliamentary houses

President farmaajo opens sessions of parliamentary houses

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In