Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Qadar oo canbaaraysay go’aan ka dhan ah falastiin oo ka soo baxay kaniisada Israi’l

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Qadar oo canbaaraysay go’aan ka dhan ah falastiin oo ka soo baxay kaniisada Israi’l
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Qadar ayaa si kulul u canbaaraysay qaanuun cusub oo ay Isra’il iqaamada kala noqonayso Falastiiniyinta  deggan bariga Qudus hadii ay sugnaanto in Falastiiniyiintaasi ay xiriir la leeyihiin waxa ay ugu yeereen Ururada xagjirka ah.

Bayaanka ka  soo baxay Dowladda Qadar ayaa intaa raaciyay in qanuunkaasi iqaamada lagala noqonayo Falastiiniyiinta ku nool Bariga Qudus oo ka soo baxay Kaniisada Isra’il uu awood buuxda u siinayo Wasiirka arrimaha gudaha ee Israi’il inuu qaado talaabo kasta ee ka dhannka falastiiniyiintaasi hadii lagu cadeeyo inay xiriir la leeyihiin waxa ay ugu yeereen Argagixisada.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Dowladda Qadar ayaa ku tilmaantay qaraarka ka soo baxay Kaniisada Isra’il in uu khilaafsanyahay Qaanuunka Dowliga ah ,kan bani’aadanimada  iyo heshiiyada qaramada midoobay ee xuquul insaanka la xiriir,waxayna Qadar ugu baaqday mujtamaca dowliga inay ka hortagaan talaabadan.

Dhanka kale waxay Dowladda Qadar ay muujisay  inay sii xoojinayso taageerada dhan kasta ah oo ay u fidinayso shacabka falastiin sidii uu uga talin lahaa masiirkiisa sharciga oo ay ka mid tahay dhismaha dowlad Falastiin ah oo madax banana xuduudeeduna yahay kii sanadkii 1967-dii, isla markaana caasimadeedu tahay magaalada barakeysan ee Qudus.

Qaanuunkan cusub oo ay kaniisada Isra’il dhowaan soo saartay ayaa qoraya in 320 kun falastiiniyiin ah oo ku nool bariga magaalada Qudus aysan muwaadiniin aheyn.

Dhanka kale Ururka midowga Yurub bayaan uu jimcihii soo saaray  ayaa ka digay in Israi’il ay meel mariso qaaraarkan cusub ay kula dhaqmayso falastiiniyiinta deggan bariga Qudus.

Sidoo kale Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa canbaaraysay qaanuunka cusub kaniisada Israi’l ay soo saartay kaasoo ka dhan ah falastiiniyiinta deggan Bariga magaalada Qudus,waxayna talaabadaa ku tilmaantay mid aan sharci aheyn   dimoqoraadiyadana ka soo horjeeda.

Previous Post

Sawirro+Munaasabad lagu soo dhaweynaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ka dhacaday Dhuusamareeb

Next Post

President farmaajo opens sessions of parliamentary houses

Next Post
President farmaajo opens sessions of parliamentary houses

President farmaajo opens sessions of parliamentary houses

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In