Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Ruushka oo taageertay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 months ago
in Wararka
0
Dowladda Ruushka oo taageertay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay si cad oo rasmi ah u garab taagan tahay ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), iyadoo carrabka ku adkaysay in Soomaaliya tahay dal leh qaranimo buuxda iyo xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Hadalkan ayaa Dowladda Ruushka ka jeedisay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM), ka dib markii ay hadallo jeediyeen danjireyaasha Soomaaliya iyo Israa’iil, iyo sidoo kale dalal kale oo muujiyay mowqifyadooda ku aaddan xaaladda ka taagan madaxbannaanida Soomaaliya.

Ruushka ayaa si cad u muujiyay diidmadeeda tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qaranimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo ku adkaysay in aan la aqbali karin faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalka.

Sidoo kale, Dowladda Ruushka ayaa ku biirtay dalalka kale ee Golaha Ammaanka ku muujiyay in ay lama taabtaan tahay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay waajib tahay in la ixtiraamo shuruucda iyo mabaadi’da caalamiga ah ee quseeya dowladnimada.

Ugu dambayn, Ruushka ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay qaataan mowqif midaysan oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya,

Previous Post

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Next Post

Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka

Next Post
Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo  Ka Dhacay  Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka

Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In