Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo deeq dawo ah gaarsiisay Isbitaalka Dhoobley “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo deeq dawo ah gaarsiisay Isbitaalka Dhoobley “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gargaarka ayaa maanta deeq dawo ah gaarsiisay isbitaalka Dhooleey ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku nool yihiin qoysas uu saameeyay fatahaado halkaasi ku dhuftay.

Wafiga ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada, iyadoo soo dhaweyn kaddib u kuurgalay xaaladda dhabta ah ee ka jirta Degmada.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Shacab lagana soo doortay deegaanada Jubbaland oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in daadad ka dhashay roob mahiigaan ah uu saameyn xoogan ku yeeshey bulshada  ku nool Gobolka Jubbada Hoose.

“Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gargaarka iyo xubno ka socady Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo aan qeyb ka ahaa ayaan kormeer ku tegnay Degmada Dhoobley, waxaana soo booqanay meelaha ay dadka barakacayaasha deganyihiin, kormeer kaddib waxaan wadnay daawo lix tan ah oo aan ugu talagalnay Isbitaalka, runtii dad ay saameysay fatahaada ayaa halkan ku nool”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Ismaaciil.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa oo ah Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaranka ayaa sheegay in hay’adaha gargaarku dhaqso uga howl geli doonaan Dhoobley, si gurmad balaaran loo gaarsiiyo bulshada ku dhibaateysan Dhoobleey.

“Waan idinka soo daahnay, wixii soo daaho ayaa kheyr ku jira, maanta ayaan go’aansanay inan idin soo gaarno., waxbaan ka qaban doonaa hay’adaha halkan ka maqan inay si deg deg ah u soo noqdaan, Waxbarashada Caafimaadka inaad heli doontaan ayaan rajeynayaa” ayuu yiri Wasiirka Gargaarka.

Previous Post

Taliyaha ciidanka dhulka iyo saraakiil kale oo kormeer ku tegay xarun ciidan “SAWIRRO”

Next Post

Danjiraha Soomaaliya ee Zambia oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi

Next Post
Danjiraha Soomaaliya ee Zambia oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi

Danjiraha Soomaaliya ee Zambia oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In