Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka dhulka iyo saraakiil kale oo kormeer ku tegay xarun ciidan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka dhulka iyo saraakiil kale oo kormeer ku tegay xarun ciidan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ay wehliyaan saraakiil ciidan oo uu ka midyahay Taliyaha qeybta 21aad Jeneraal Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa kormeer ku tegay xarun lagu tababarayo ciidan ka tirsan xoogga dalka.

Taliyaha iyo saraakiisha kale ee la socotay ayaa kormeer ku sameeyay xarunta, kaasi oo ay ugu kuurgalayaan xaaladda goobta lagu tababarayo ciidanka, waxaana uu tilmaamay in ahmiyadda koowaad ay tahay xaqiijinta Nabadgelyada, loona baahanyahay difaacidda dalkooda iyo ka shaqeynta midnimada.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Alle ayaa mahad iska leh, waxaan uga mahadcelinayaa dhallinyaradii halkan nagu soo dhaweysay, ujeedka socdaalkeenu waa inaan kormeerno xarumaha ay ku suganyihiin ciidanka xoogga dalka qeybta 21aad, waxaan dhallinyarada ku dhiiri gelinayaa inay noqdaan hormuudka dalka, wadanka waxa uu u baahanyahay dhallinyaro aqoon leh sidiina oo kale”ayuu yiri Taliye Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ay wehliyaan saraakiil ciidan oo uu ka midyahay Taliyaha qeybta 21aad Jeneraal Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje  ayaa dhawaan ku guuleystay inay xaliyaan dagaal beeleed ka dhacay bariga Gobolka Mudug, waxaana haatan ay qorsheynayaan inay kormeeraan xarumaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka, si uu u ogaado xaaladda dhabta ah ee ay ku shaqeynayaan ciidanka xoogga dalka.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo deeq dawo ah gaarsiisay Isbitaalka Dhoobley “SAWIRRO”

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo deeq dawo ah gaarsiisay Isbitaalka Dhoobley “SAWIRRO”

Dowladda Soomaaliya oo deeq dawo ah gaarsiisay Isbitaalka Dhoobley “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In