Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo diyaarisay qorshe cusub oo dalka looga xoreynayo maleeshiyada Al-Shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo diyaarisay qorshe cusub oo dalka looga xoreynayo maleeshiyada Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada.

Kulanka deg deggga ah ayaa aad loogu falanqeeyay  Tageeradda qorsha uu diyaariyay taliska ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in meleeshiyaadka argagaxisada ah looga saaro deegaanadda kamid ah dalka ee ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka ka tilmaamay in aan loo sii dul qaadan karin in kooxaha arxan-laawayaasha ah ay sii dhibaateeyaan dalka ayaa dhammaan ka qayb galayaasha kulanka waxa uu ka dalbaday in dagaalka argagaxisada loo wajaho si wadajir ah laguna gacan siiyo dawladda sidii ay dalka oo dhan uga dhigi lahayd mid nabdoon.

Safiirrada Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Afrika iyo safiir ku-xigeenka Midawga Yurub ee Soomaaliya iyo Taliyaha Hawlgalka AMISOM oo goob joog ka ahaa shirka looga arrinsanahay qorshaha argagaxisada looga saaryo dalka ayaa taageeray in si wadajir ah loo fuliyo qorshaha dawladdu soo bandhigtay ee lagu doonayo in dalka looga sifeeyo argagaxisada.

Hoggaanka dawladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad ay u tahay sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed maalkooda iyo gayiga Soomaaliya guud ahaan ayaa wada qorshe uu ku doonayo in lagu soo af-jaro ficillada gurraca ee kooxaha nabad-diidka ah ay ku diidanyihiin horumarka Dalka.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo “Wasiir Saqar wuxuu ahaa waddani dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato”

Next Post

Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha oo Muqdisho laga xusay+sawirro

Next Post
Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha oo Muqdisho laga xusay+sawirro

Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha oo Muqdisho laga xusay+sawirro

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

December 23, 2025
0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

December 23, 2025
0

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In