Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya Oo Dowlad Goboleedyada Gaarsiinaysa Qalab Loo Isticmaalo Ka Digista Halis Wadareedyada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya Oo Dowlad Goboleedyada Gaarsiinaysa Qalab Loo Isticmaalo Ka Digista Halis Wadareedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Wasiir ku-xigeenka Gargaarka oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegay in ujeedka safarkoodi Garowe uu yahay sidii halkaasi ay u gaarsiin lahaayeen qalab loogu talagalay xarunta ka digista halis wadareedka ee Puntland.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026

“Waxaan magaalada Garowe geyneynaa qalab xafiiseed loogu talagalay xarunta ka digista halis wadareedka ee Puntland, sidoo kale waxaan geeyneynaa dhamaan dowlad goboleedyada oo ay ugu talagashey dowladda Federaalka Soomaaliya”. ayuu yiri Wasiir Cabdirashiid.

Marka laga soo tago magaalada Garowe oo maanta la geeyay qalabkaasi,sdoo kale waxaa lafilayaa in wasaaradda gar gaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda Soomaaliya ay deegaanada kale ee dowlad goboleedyada ay gaarsiiso qalabka noocaan ah,si loogu isticmaalo adeegyada ka digista halis wadareedyada.

Qalabkan ayaa ahmiyad gaar ah leh adeegsigiisa,wuxuuna sahlaya in si fudud loo ogaado hadba xaaladsaha isbedelka cimilada iyo dabey laha iyo duufaanada dhaca inta badan.

Previous Post

Mashruuc Loogu Magac Daray Dib U Kabashada Waxbarashada Gobolka Banaadir Oo Muqdisho Laga Daah-Furay

Next Post

Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Oo Isbitalka Digfeer Ku Booqday Dhaawacyadii Shalay “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Oo Isbitalka Digfeer Ku Booqday Dhaawacyadii Shalay “SAWIRRO”

Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Oo Isbitalka Digfeer Ku Booqday Dhaawacyadii Shalay “SAWIRRO”

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In