Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya Oo Dowlad Goboleedyada Gaarsiinaysa Qalab Loo Isticmaalo Ka Digista Halis Wadareedyada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya Oo Dowlad Goboleedyada Gaarsiinaysa Qalab Loo Isticmaalo Ka Digista Halis Wadareedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Wasiir ku-xigeenka Gargaarka oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegay in ujeedka safarkoodi Garowe uu yahay sidii halkaasi ay u gaarsiin lahaayeen qalab loogu talagalay xarunta ka digista halis wadareedka ee Puntland.

Related posts

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

January 15, 2026

“Waxaan magaalada Garowe geyneynaa qalab xafiiseed loogu talagalay xarunta ka digista halis wadareedka ee Puntland, sidoo kale waxaan geeyneynaa dhamaan dowlad goboleedyada oo ay ugu talagashey dowladda Federaalka Soomaaliya”. ayuu yiri Wasiir Cabdirashiid.

Marka laga soo tago magaalada Garowe oo maanta la geeyay qalabkaasi,sdoo kale waxaa lafilayaa in wasaaradda gar gaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda Soomaaliya ay deegaanada kale ee dowlad goboleedyada ay gaarsiiso qalabka noocaan ah,si loogu isticmaalo adeegyada ka digista halis wadareedyada.

Qalabkan ayaa ahmiyad gaar ah leh adeegsigiisa,wuxuuna sahlaya in si fudud loo ogaado hadba xaaladsaha isbedelka cimilada iyo dabey laha iyo duufaanada dhaca inta badan.

Previous Post

Mashruuc Loogu Magac Daray Dib U Kabashada Waxbarashada Gobolka Banaadir Oo Muqdisho Laga Daah-Furay

Next Post

Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Oo Isbitalka Digfeer Ku Booqday Dhaawacyadii Shalay “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Oo Isbitalka Digfeer Ku Booqday Dhaawacyadii Shalay “SAWIRRO”

Guddoomiye Ku-Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Oo Isbitalka Digfeer Ku Booqday Dhaawacyadii Shalay “SAWIRRO”

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA DHEXE):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku hawlanaa, fulinta...

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa...

Wasiir Fiqi”Socdaalkeenna Laascaanood wuxuu dirayaa farriin miisaan leh.”

Wasiir Fiqi”Socdaalkeenna Laascaanood wuxuu dirayaa farriin miisaan leh.”

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS  Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dadka Woqooyi Bari ay...

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In