Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo hirgalisay xarunta ka digista halis-wadareedka iyo musiibooyinka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo hirgalisay xarunta ka digista halis-wadareedka iyo musiibooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Md Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya diyaarisay hab- dhismeedka xarunta, shaqaalaha ka howl-gali lahaa iyo khubaro tababarro joogta ah siiya shaqaalaha xarunta.

Md Xamsa Saciid Xamsa waxa uu sheegay in xogta la xiriirta dhammaan halis-wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado iyo ururro aan dowli ahayn ay hadda wixi ka dambeeya laga heli doono xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka.

Related posts

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026

“Diyaarinta iyo hirgalinta xarunta kaliya kuma saabsana adeeg cusub oo la helay, hase yeeshee waxey tallaabo loo qaaday xoojinta madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliy. Annaga oo adeegsaneyna xaruntaan, waxaan awood u yeelan doonnaa in innaga gacanta ku heyno xogto cimilada iyo macluumaadka la xiriiro ee dalka.” Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in Sameynta xaruntan ay ka mid tahay guulaha sii xoojinaya madax bannaanida Soomaaliya si la mid ah soo celinta maamulka hawada Soomaaliya oo muddo dheer ka dib ku soo noqotay gacanta Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiisa Soomaaliya Md Maxamed Cabdi Xayir oo ka mid ahaa masuuliyiin kormeer ku tagtay xarunta ayaa sheegay in Soomaaliya gaartay mid ka mid ah guulaha wax ku oolka marka ay timaado wax ka qabashada iyo yareynta musiibooyinka sida abaaraha, fatahaadaha iyo dabeylaha.

”30 sano ayaa naloo sheegayay xog kala dhiman oo ku saabsan halisyada dhaca, mararka qaarna waxaa xogtaasi naloo sheegayay marka wixi dhici lahaa ay dhacaan, manta ka dib Dowladda Soomaaliya waxey, iyada oo adeegsaneysa agab horumarsan, ogaaneysaa sii odorasaysaa halisyada soo fool leh iyado oo loo diyaar garoobi karo waxna laga sii qaban karo.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Md Maxamed Cabdi Xayri.

Sadaasha iyo la socodka halis wadareedka ayaa xaruntan ka hor bixinayay hey’ado raacsan qaramada midoobay.Xaruntan ayaa la rajeynayaa in ay ka mid noqoto mashaariicda la dhammaystiray ee dhawaan ay xarigga ka jiri doonto xukuumadda Soomaaliya.

Tags: Dowladda Soomaaliya oo hirgalisay xarunta ka digista halis-wadareedka iyo musiibooyinka
Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 39 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo kormeeray Xarumaha Ciidanka ee Degmada Hobyo.

Next Post
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo kormeeray Xarumaha Ciidanka ee Degmada Hobyo.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo kormeeray Xarumaha Ciidanka ee Degmada Hobyo.

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In