Wednesday, July 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymaha qaar (MAQAAL)

caqiil by caqiil
February 15, 2023
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymaha qaar (MAQAAL)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deyn cafinta Soomaaliya waxay soo martay heerar kala duwan iyo maraaxillo kala gedisan, waxaana Dowladda Soomaaliyeed xoog saartay sidii Ummadda Soomaaliyeed looga cafin lahaa Deymankii ku aruuray tan iyo Dowladdi militariga, iyadoo inta badan ay tahay dulsaar, maadama deynta lagu lahaa ay aheyd 2 Billian iyo bar Dollarka Maraykanka ah ayaa haatan ah in ku dhow 5 Billion , waxaana jirta in ay dowladdu helyso ballan qaadyo badan oo kala imaanaya Wadamada Islaamka iyo kuwa Caalamka intiisa kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah, waxa uuna sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soosaarka beeraha dalka ay ugu horreeyeen argagixisada Alshabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka, waxa uuna xaqiijiyey in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii  loo kobcin lahaa fahamka iyo kasmada beeraha.

Haddaba maxaad ka taqaannaa He’yadda IFAD?  IFAD Waa Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha,  waana hey’ad maaliyadeed oo caalami ah iyo Wakaalad gaar ah oo Qaramada Midoobay ah oo ka shaqeysa wax ka qabashada saboolnimada iyo gaajada ka jirta dhulka miyiga ah ee wadamada soo koraya, marka waa guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed mar haddi ay bilaabatay deyn cafintu,  waxaana lagu wadaa in qorshaha Deyn Cafinta lagu soo afjaro dabayaaqada sanadkan,iyadoo faaiido weyn ugu jirto ama laga heleyaa haddii gabin ahaanba la cafiyo, waayo waxaa Soomaalida u bilaabanaya inay gaarto yoolkeeda ku aadn horumarinta adeegyada kala duwan ee Bulsha iyo dhaqan dhaqaale iyo inay qaadan karto ammaah kale iyo inay Dowladda Soomaaliyeed sameysan karto Lacag shilin Soomaali ah.

Qallinka C/llaahi Ruush

Previous Post

Waxyeellada dhul-gariirkii ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya oo sii kordhaya

Next Post

Mid kamid Maleeshiyaadka Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Next Post
Mid kamid Maleeshiyaadka Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Mid kamid Maleeshiyaadka Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay boqollaal ka mid...

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay...

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa  gaaray magaalada Jowhar, ee xarunta...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In