Labo Diyaaradood oo siday sideed tan oo dawo ah iyo dhakhaatiir kana timid dowladda Ethiopia ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, taas oo qeyb ka ah gurmadka dalalka iyo heyโaddaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay u fidinayaan dadkii ku waxyeeloobay xasuuqii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Mqudisho.
Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr. Fowziyo Abiikar Nuur ayaa u mahadcelisay dowladda Ethiopia sida ay ugu soo gurmadeen Soomaaliya,
Danjiraha Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar, oo deeqdan dawada ah ku wareejiyay Wasiirka caafimadka ayaa sheegay in gurmadkan dowladiisa u fidineyso dadka Soomaaliyeed uu tusaale u yahay xiirka wanaagsan ee labada dhinaca ka dhexeeya.
Garoonka diyaaradaha ee maanta laga soo dejiyay deeqda ka timid Xukuumadda Adis Ababa ayaa waxaa joogay Wasiiru dowladda Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Khayr, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Masโuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Tan iyo markii uu dhacay xasuuqii isgoyska 14-ka October ee Ex-zoobe ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray in ka badan 10 diyaaradood oo siday dawo iyo dhakhaatiir, iyadoo dowladii ugu horeysay oo shacabka Soomaaliyeed u soo gurmaday ay aheyd dowladda Turkiga.