Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Ku Dhawaad 100 Kamid Ah Argagixisada Lagu Dilay Deegaanka Juxaay Ee Gobolka Sh. Dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Ku Dhawaad 100 Kamid Ah Argagixisada Lagu Dilay Deegaanka Juxaay Ee Gobolka Sh. Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir Ku Xiggeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf sheikh Al-Cadaala oo faahfaahin ka bixiyey Howlgallo Jab Lagu Gaarsiiyey Khawaarijta Alshabaab oo Ciidanka Xoogga dalka iyo NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ay 48 saacadood ee lasoo dhaafay ka sameeyeen Deegaanka Juxaay oo hoos taga Magaaladda Guulane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay isku aruursanayeen Argagixisada.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan lagu Dilay 88 Kamid ah Argagixisada oo isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, ilaa iyo haddana meydadkooda Ciidanka ay ka aruurinayaan dhulka howdka ah, waxaana uu xusay in jiraan Dhaawacyo fara-badan oo cadowga soo gaaray.

Related posts

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-Cadaala ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka ay gacanta ku dhigeen saanad Ciidan iyo Hub Fara-badan, kuwaasi oo argagixisada ay u adeegsan jireen dhibaateynta Shacabka.

Juxaay waa Deegaan istiraatiiji ah oo muhiim u ah howlgalada ka socda Goballada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana si buuxda Gacanta ugu dhigay Ciidanka Xoogga, iyaggoo halkaasi ka wada howlgallo Nadiifin ah.

Previous Post

Soomaaliya Oo La Wareegtay Xilka Guddoomiyenimo Ee Golaha Midowga Dhaqaalaha Wadamada Carabta

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan Sagootin Ah Kula Qaatay Xafiiskiisa Safiirka Ethiopia Ee Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan Sagootin Ah Kula Qaatay Xafiiskiisa Safiirka Ethiopia Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan Sagootin Ah Kula Qaatay Xafiiskiisa Safiirka Ethiopia Ee Soomaaliya

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In