Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Turkiga Oo Soomaaliya Ka Caawineysa U Diyaar Garoowga Iyo Maareynta Musiibooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Turkiga Oo Soomaaliya Ka Caawineysa U Diyaar Garoowga Iyo Maareynta Musiibooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bilowday wada-xaajood ay ku dooneyso in Turkiga ka kaalmeysato dhinaca Maareynta Musiibooyinka.

Kulan dhinaca Aaladda zoom-ka ay ku yeesheen Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Mas’uuliyiin Turkiga ayaa labada dhinaca waxa ay isku-afgarteen in Soomaaliya laga taageero awoodda dhinaca si odorisadda iyo ka warqabka isbadalka cimilada.

Related posts

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026

Kulankan ayaa daba socday safar mar sii horreysay Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka mudane Xamsa Saciid Xamsa uu ku tagay dalka Turkiga, halkaas oo uu soo booqday xarumaha saadaasha cimilada iyo maareynta Musiibooyinka ee dalka Turkiga

Intii uu socday kulanka, waxaa labada dhinac ay ka hadleen hababka ay isaga kaashan karaan wax ka qabashada musiibooyinka soo noqnoqday ee Soomaaliya.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in Turkiga uu dowr weyn ku leeyahay soo kabashada Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in wali Soomaaliya u baahantahay taageerada Turkiga ee dhinaca dhismaha hey’adaha ka shaqeeya badbaadinta nafta oo ay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ugu horreyso

Volkan Mutlu Coşkun Agaasimaha guud ee hey’adda adeegga cimilada DalkaTurkiga oo ka hadlay kulanka waxa uu sheegay in Turkiga diyaar u yahay in qibraddiisa iyo farsamadiisa ku taageero Soomaaliya

Mr. Coşkun waxa uu sheegay in hey’adaha cimilada iyo Maareynta musiibooyinka Turkiga ay Soomaaliya ka taageeri doonaan agabka muhiimka ah si loo yareeyo dhibaatada musiibooyinka gaarsiiyaan dadka iyo duunyada Soomaaliya.

Masuuliyiinta Turkiga waxey ballan qaadeen in ay Wasaaradda Gargaarka ku caawin doonaan agabka saadaasha cimilada, qalabka casriga ah ee meelaha fog fog xogta ka uruuriya iyo habka lagu sii saadaaliyo, lagulana socda abaarta iyo fatahaadaha.

Ugu dambeyn, mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga teegeerada aan kala go’a lahayn ay ku garab taaganyihiin shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Previous Post

Agaasinka Waxbrashada Gobalka Baaadir Oo Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Ardayda Kaalimaha Hore Ka Galay Imtixaanka Shahaadiga “SAWIRRO”

Next Post

Arday Baratay Cilmiga Caafimaadka Oo Shahadooyin Lagu Guddoonsiiyay Buula Burte “SAWIRRO”

Next Post
Arday Baratay Cilmiga Caafimaadka Oo Shahadooyin Lagu Guddoonsiiyay Buula Burte “SAWIRRO”

Arday Baratay Cilmiga Caafimaadka Oo Shahadooyin Lagu Guddoonsiiyay Buula Burte “SAWIRRO”

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
0

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey uu soo gaaray biyaha dalka,...

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In