Dalka Turkiga oo weli ka sococodo xukunkii Deg degga oo dalkaasi la geliyay isku daygii Inqalaabkii dhicisoobay kadib, ayaa la sheegayaa inay Xukuumadda dalkaasi ay mar kale shaqada ka erisay 6 kun shaqaale kale isuguna jira Saraakiil Boolis, kuwa Garsoorka, caafimaadka iyo qeybo kale.
Warku wuxuu intaa ku daray in shaqaqalahaasi la eryay lagu eeday inay wax ka ogaayeen Inqaalaabkii fashilmay oo la doonayay in xukunka looga rido Dowladda hadda ka arrimisa daalkaasi Turkiga una hogaaminayo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Dadka Iminka shaqalaga laga eryay ayaa la sheegay inay ka mid yihiin safiiradiii hore Turkiga u kala fadhiya hay’adda UNESCO iyo dalka Canada kuwaasoo lagu eedayay inuu gacan saar la leeyihiin Wadaadka baxsadka ee Fethullah Gülen oo iminka ku sugan dalka Mareykanka.
Tan iyo markii dalka Turkiga uu ku fashilmay afgenbigii la doonayay in xukunka loogu rido maamulka hadda ka arrimiya dalkaasi ayaa waxaa shaqada Dowlada la joojiyay ama laga eryay 120 kun oo qof oo qeybo kala duwan ah.