Dugsiga hoose dhexe ee Kista International School oo ay maamulaan aqoonyahano ku bahoobay ururka waxbarashada ee Alkowneyn ayaa Sanadkan kaalinta koowaad ka galay Dugisiga ugu wanaagsan ee heerka waxbaridda ubadka, ka dib markii daraasd lagu sameeyay in ka badan Kun Dugsi oo ku yaalla Dalkan Sweweden.
Warbixintan ayaa lagu soo bandhigay xeritaanka Sanad Dugsiyeedka 2017/2018 iyo sagootinta Ardayda ka aflaxday Fasalka Sagaalaadka ee u gudbeysa Dugsiga sare, waxaana munaasabadan oo si qurux badan loo soo agaasimay abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah waaliddiinta firfircoon iyo Ardadayda heerarkooda kala duwan.
Sheekh Daahir Jeyte oo kamid ah maamulka iskuulkaasi ayaa faah faahin
ka bixiyay guulaha oiskuulkaasi uu gaaray iyo qiimeynta dowladda
Swedan ay ku sameysay iskuulaadka waxbarasho ee kuyaala dalkaasi.
“Marka hore ilaahay ayaa mahadda iska leh,marka xigtana shaqalaah ka
shaqeeya ayaan u mahadcelinayaa oo guushaasi qeyb ka qaatay,kadib
juhdigii la geliyay,hanoqoto waalidiinta Caruurta,macalimiinta
dhamaantooda,sababtoo ah iskuulkaana waxaa la aas aasey 2010,raacii
dhexe ee 2015-2016 waxaan galnay kaalinta 4-aad wadanka oo
dhan,sanadkaan ilaahay mahaddiisa waxaan soo galnay kaalinta
koowaad,487 iskuul ayaan kaalinta koowaad kaga jirnaa,taasi waxay ku
timid ilaahay oo inoo fududeeyay iyo juhdigii aan bixinay,waxaana
kamid ah caawinaada caruurta,gaar ahaan meel ka baxsan iskuulka marka
ay joogaan”.ayuu yiri Sheekh Daahir.
Dhammaan ka qayb galayaasha Xafladdan lagu sagootinayay Ardaydan ka gudubtay Dugsiga dhexe iyo Waaliddiintii halkaasi ku sugnayn ayaa si weyn ula dhacday habka Wax barista dhallaanka oo isugu jira Soomaali iyo Swedesh, waxanay ballan qaadeen inay kalsoonida ay ku qabaan sii Laba laabi doonaan.