Tuesday, March 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho “8da Maarso waa maalin qiimo leh oo na xasuusineysa ilaalinta xaquuqda Haweenka Soomaaliyeed”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho “8da Maarso waa maalin qiimo leh oo na xasuusineysa ilaalinta xaquuqda Haweenka Soomaaliyeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabado kala duwan oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Haweenka ayaa hambalyo u direy guud ahaan haweenka Soomaaliyeed.

Maalinta Haweenka dunnida ayaa inta badan xuska la qabto diiradda lagu saaraa xaquuqda haweenka isla markaana ay si weyn uga qayb qaataan ururada u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka caalamka.

Related posts

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

March 17, 2026
Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

March 17, 2026

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay door wax ku ool ah ka soo qaateen horumarka dalka, iyagoo safka horey kaga jira halganka dib-u-soo kabashada dalka, dib-u-heshiisiinta ummadda, nabadeynta, wax soo saarka iyo horumarka dhinacyadiisa kala duwan.

“Hambalyo maalinta qiimaha badan ee 8da Maarso oo sanad walba la xuso, xuska sanadkan waxuu ku soo aaday xili dadaal ballaaran aan ugu jirno horumarinta Haweenka Soomaaliyeed oo ah asaaska nolosha qoyska, tani oo na xusuusinaysa ilaalinta xuquuqda haweenkeena.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo ka hadlayay Munaasabad lagu xusayay maalinta Haweenka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa ka qeyb galay Ciyaaro lagu maamuusayay maalintan, waxuna halkaas ka sheegay in si bulsho horumar u gaarto ay lagama maarmaan tahay in haweenku ay helaan xuquuqdooda oo dhameystiran, sida waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Previous Post

IFTIINKII CAASIMADDA {QORMO).+Sawirro

Next Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Dowladda Kenya “Sawirro”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Dowladda Kenya “Sawirro”

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Dowladda Kenya “Sawirro”

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

March 17, 2026
0

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid-siin ah...

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

March 17, 2026
0

Maalintii 3-aad, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si gaar ah gudaha iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Baydhabo, waxaa si xowli ah...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

March 17, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Al-Mahasin Foundation, ayaa si rasmi ah maanta gobolka banaadir ka...

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In