Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 months ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa xalay hoygiisa ku sameeyay casho-sharaf uu ku maamuusayay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda aan walaalaha iyo saaxiibka nahay ee Jabuuti u fadhinaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Cusmaan Dubbad Sugulle.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Danjiraha cusub mar kale ugu hambalyeeyay xilka loo igmaday, isagoo xusay in magacaabistiisu ay ku soo beegantay xilli Soomaaliya iyo Jabuuti ay sii ballaarinayaan iskaashigooda dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta xiriirka hay’adaha dowladda.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Dr. Muungaab ayaa tilmaamay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay door taariikhi ah ku leedahay garab istaagga Soomaaliya, isagoo bogaadiyay kaalinta muuqata ee ay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti ka qaateen dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya.

Danjire Cusmaan Dubbad Sugulle, oo sidoo kale soo noqday Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidamada Hiilwalaal ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho martiqaadka iyo soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, isaga oo sheegay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, si loo sii ambaqaado danaha iyo himilooyinka ay wadaagaan labada dal.

Casho-sharafta waxaa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir ee Amniga iyo Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Duubabka Dhaqanka, Waxgaradka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Previous Post

Ciidanka Booliska Caasimadda oo gacanta kusoo dhigay shaqsi ku eedaysan fal dhagar ah

Next Post

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Next Post
Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In