Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo marti ku ahaa barnaamijka Dood Furan ee ka baxa Telefeshinka Qaranka ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay maamulkiisa iyo halka uu hiigsanayo.

Guddoomiyaha ayaa marka hore ka warbixiyey xaaladaha amniga, horumarka la sameeyey iyo caqabadaha jira. Sidoo kale waxuu ka hadlay qorshaha uga dagsan dhinacyada amniga, isku-xirka bulshada, maamul wanaagga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Barakacayaasha.

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026

Duqa Muqdisho ayaa u caddeeyey bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda in maamulkiisu uu diyaar u yahay xaqiijinta amniga, waxuna xusay in la bilaabay wadatashiyo ay shacabku qeyb ka yihiin oo amniga lagu sugayo. Isagoo intaas ku daray in la furay qaar kamid ah waddooyinkii xirnaa inta dhimanna dhowaan la furi doonno, si loo fududeeyo isku socodka magaalada.

Eng. Yarisow oo ka hadlayey soo celinta Bilicda Caasimadda ayaa yiri; “Si loo helo magaallo nadiif ah waxaan bilownay olole ballaaran oo qashinka lagu xaaqayo, balse baaxadda qashinka magaalada yaalla waxuu u baahan yahay wacyigelin iyo howl adag. Dhowaana waxaan keeni doonnaa qalab casri ah oo howshan qeyb ka qaata, waxaana rajeynayaa in bilaha dhow isbadel laga dareemi doonno bilicda magaalada”.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ka hadlayay burburka jidadka magaalada ayaa xusay in dhismaha waddooyinku ay u leeyihiin mudnaan sare, si taas looga dhabeenaya bulshada Soomaaliyeed laga doonayo in kaalintooda ay qaataan. Iyadoo laga duulayo qorshaha isku tashigana bishii hore la bilaabay dhameystirka jidka Soddonka, uuna ku xigi doonno dhismaha jidka Liido. Sidoo kale waxuu sheegay in bisha Juun ee soo socota la bilaabayo waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo dhismahooda ay gacan ka geysanayso dawladda Jarmalka.

Isagoo ka hadlayay dhaqaalaha iyo soo celinta goobihii dalxiiska, waxuu tilmaamay G. Yarisow in hufnaanta maaliyadda iyo isla-xisaabtankuba gundhig u yihiin maamulkiisa, lacagaha soo xaroodana ay maraan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, loona maamulo si waafaqsan sharciga maaliyadda dalka.

Sidoo kale waxuu sheegay in dhaqaalaha iyo ganacsiguba ay kor u kaceen ka badan intii hore sida lagu xusay warbixintii ay dhowaan soo saartay hay’adda lacagta adduunka, kalsoonida maal-gashiga iyo dalxiiska caalamiga ah ee Caasimadduna soo noolaanayo dibna loo howlgelinayo goobihii caanka ku ahaa dalxiiska, arintan oo ku timid rajo xasillooni iyo isbedel la dareemay.

Duqa Muqdisho oo ka hadlayay arrimaha baahinta adeegyada asaasiga ah ayaa yiri; “Waxaan hoos ugu daadejinay Degmooyinka Gobolka Benaadir adeegyadii loogu imaan jiray xarunta dhexe oo shacabka caqabado ka haysateen, waxayna hadda ka heli karaan degmooyinka Hodon, Howl Wadaag, Wadajir iyo Warta Nabadda, degmooyinka dhimanna todobaadyada soo aadan ayaa laga furi doonno xafiisyadan hadii uu Alle idmo.”

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in la hirgeliyey hab casri electronic ah kaas oo lagu diiwan gelinayo BL ka iyo Bajaajta waxayna qeyb ka qaadan doontaa la dagaalanka musuqa iyo amniga, lacagaha ay bixin doonaanna waxay si toos ugu shubayaan EVC bank, si meesha looga saaro cabashooyinkii jiray.

Arrimaha Dhulalka oo muran badan ka jiray ayuu sheegay Eng. Yarisow in wax badan laga qabtay mudadii koobeyd ee uu xafiiska joogay, cid walba oo lagu helo ku xad gudub sharci iyo warqado been abuur ahna ay mari doonto ciqaab adag. Waxuna ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in doorkooda ay ka qaataan wax walba oo lagu horumarinayo caddaaladda dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in heshiiskii dhowaan laga gaaray qeybsiga Kheyraadka dalka uu gobolka Benaadir u sahlayo ka faa’iideysiga khayraadka Badaha, lana dhisayo hay’addii kaluumeysiga gobolka, si heshiisyo loola galo shirkadaha danaynaya in ay kaluumeystaan.

Mudane Yarisow oo ka hadlayay arrimaha Doorashooyinka iyo dib-u-eegista Dastuurka ayaa yiri; “Anagoo oo kaashanayna Wasaaradda Dastuurka waxaan sameyney wada tashi ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka, waxaana u diyaar garowney daadajinta wada tashiga geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka ee heer bulsho deegaan. Waxaan sidoo kale sameyney wada tashiyo bulsho ee dhinaca doorashooyinka anagoo kaa shanayno Gudiga madaxa banana ee doorashooyinka Qaranka.

Waxaa uu ku celceliyay guddoomiyuhu baahida loo qabo in xal waara oo ay uga baxaan barakaca loo helo dadka Soomaaliyeed ee daafaha iyo gudaha magaalada ku soo barakacay, isagoo tilmaamay in maamulkiisu uu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah si qaxa iyo barakaca dagaallada sokeeye ka dhashay loogu helo xal maangal ah ee waafaqsan bani’aadamnimada, isla markaana qorshuhu yahay marka la gaaro sanadka 2022 dib loogu celiyo dadka barakacayaasha ah bulshadooda.

Iyadoo laga duulayo qorshaha horumarinta iyo xiriirka Caasimaddu la leedahay Caasimadaha kale, ayuu sheegay guddoomiyuhu in Casuumaad uu ka helay labada Duq magaallo ee Ankara iyo Istanbuul si Caasimaddu ay ula tartanto dunida inteeda kale.

Previous Post

Kenya oo lacago duldhigtay 8 ka tirsan argagixisada Al-shabaab

Next Post

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo adeegyo caafimaad u fidisay dad dan yar ah

Next Post
Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo adeegyo caafimaad u fidisay dad dan yar ah

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo adeegyo caafimaad u fidisay dad dan yar ah

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
0

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiim Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka...

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In