Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo ka hadlay waxqabadka maamulkiisa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo marti ku ahaa barnaamijka Dood Furan ee ka baxa Telefeshinka Qaranka ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay maamulkiisa iyo halka uu hiigsanayo.

Guddoomiyaha ayaa marka hore ka warbixiyey xaaladaha amniga, horumarka la sameeyey iyo caqabadaha jira. Sidoo kale waxuu ka hadlay qorshaha uga dagsan dhinacyada amniga, isku-xirka bulshada, maamul wanaagga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Barakacayaasha.

Related posts

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025

Duqa Muqdisho ayaa u caddeeyey bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda in maamulkiisu uu diyaar u yahay xaqiijinta amniga, waxuna xusay in la bilaabay wadatashiyo ay shacabku qeyb ka yihiin oo amniga lagu sugayo. Isagoo intaas ku daray in la furay qaar kamid ah waddooyinkii xirnaa inta dhimanna dhowaan la furi doonno, si loo fududeeyo isku socodka magaalada.

Eng. Yarisow oo ka hadlayey soo celinta Bilicda Caasimadda ayaa yiri; โ€œSi loo helo magaallo nadiif ah waxaan bilownay olole ballaaran oo qashinka lagu xaaqayo, balse baaxadda qashinka magaalada yaalla waxuu u baahan yahay wacyigelin iyo howl adag. Dhowaana waxaan keeni doonnaa qalab casri ah oo howshan qeyb ka qaata, waxaana rajeynayaa in bilaha dhow isbadel laga dareemi doonno bilicda magaaladaโ€.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ka hadlayay burburka jidadka magaalada ayaa xusay in dhismaha waddooyinku ay u leeyihiin mudnaan sare, si taas looga dhabeenaya bulshada Soomaaliyeed laga doonayo in kaalintooda ay qaataan. Iyadoo laga duulayo qorshaha isku tashigana bishii hore la bilaabay dhameystirka jidka Soddonka, uuna ku xigi doonno dhismaha jidka Liido. Sidoo kale waxuu sheegay in bisha Juun ee soo socota la bilaabayo waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo dhismahooda ay gacan ka geysanayso dawladda Jarmalka.

Isagoo ka hadlayay dhaqaalaha iyo soo celinta goobihii dalxiiska, waxuu tilmaamay G. Yarisow in hufnaanta maaliyadda iyo isla-xisaabtankuba gundhig u yihiin maamulkiisa, lacagaha soo xaroodana ay maraan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, loona maamulo si waafaqsan sharciga maaliyadda dalka.

Sidoo kale waxuu sheegay in dhaqaalaha iyo ganacsiguba ay kor u kaceen ka badan intii hore sida lagu xusay warbixintii ay dhowaan soo saartay hayโ€™adda lacagta adduunka, kalsoonida maal-gashiga iyo dalxiiska caalamiga ah ee Caasimadduna soo noolaanayo dibna loo howlgelinayo goobihii caanka ku ahaa dalxiiska, arintan oo ku timid rajo xasillooni iyo isbedel la dareemay.

Duqa Muqdisho oo ka hadlayay arrimaha baahinta adeegyada asaasiga ah ayaa yiri; โ€œWaxaan hoos ugu daadejinay Degmooyinka Gobolka Benaadir adeegyadii loogu imaan jiray xarunta dhexe oo shacabka caqabado ka haysateen, waxayna hadda ka heli karaan degmooyinka Hodon, Howl Wadaag, Wadajir iyo Warta Nabadda, degmooyinka dhimanna todobaadyada soo aadan ayaa laga furi doonno xafiisyadan hadii uu Alle idmo.โ€

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in la hirgeliyey hab casri electronic ah kaas oo lagu diiwan gelinayo BL ka iyo Bajaajta waxayna qeyb ka qaadan doontaa la dagaalanka musuqa iyo amniga, lacagaha ay bixin doonaanna waxay si toos ugu shubayaan EVC bank, si meesha looga saaro cabashooyinkii jiray.

Arrimaha Dhulalka oo muran badan ka jiray ayuu sheegay Eng. Yarisow in wax badan laga qabtay mudadii koobeyd ee uu xafiiska joogay, cid walba oo lagu helo ku xad gudub sharci iyo warqado been abuur ahna ay mari doonto ciqaab adag. Waxuna ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in doorkooda ay ka qaataan wax walba oo lagu horumarinayo caddaaladda dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in heshiiskii dhowaan laga gaaray qeybsiga Kheyraadka dalka uu gobolka Benaadir u sahlayo ka faaโ€™iideysiga khayraadka Badaha, lana dhisayo hayโ€™addii kaluumeysiga gobolka, si heshiisyo loola galo shirkadaha danaynaya in ay kaluumeystaan.

Mudane Yarisow oo ka hadlayay arrimaha Doorashooyinka iyo dib-u-eegista Dastuurka ayaa yiri; โ€œAnagoo oo kaashanayna Wasaaradda Dastuurka waxaan sameyney wada tashi ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka, waxaana u diyaar garowney daadajinta wada tashiga geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka ee heer bulsho deegaan. Waxaan sidoo kale sameyney wada tashiyo bulsho ee dhinaca doorashooyinka anagoo kaa shanayno Gudiga madaxa banana ee doorashooyinka Qaranka.

Waxaa uu ku celceliyay guddoomiyuhu baahida loo qabo in xal waara oo ay uga baxaan barakaca loo helo dadka Soomaaliyeed ee daafaha iyo gudaha magaalada ku soo barakacay, isagoo tilmaamay in maamulkiisu uu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah si qaxa iyo barakaca dagaallada sokeeye ka dhashay loogu helo xal maangal ah ee waafaqsan baniโ€™aadamnimada, isla markaana qorshuhu yahay marka la gaaro sanadka 2022 dib loogu celiyo dadka barakacayaasha ah bulshadooda.

Iyadoo laga duulayo qorshaha horumarinta iyo xiriirka Caasimaddu la leedahay Caasimadaha kale, ayuu sheegay guddoomiyuhu in Casuumaad uu ka helay labada Duq magaallo ee Ankara iyo Istanbuul si Caasimaddu ay ula tartanto dunida inteeda kale.

Previous Post

Kenya oo lacago duldhigtay 8 ka tirsan argagixisada Al-shabaab

Next Post

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo adeegyo caafimaad u fidisay dad dan yar ah

Next Post
Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo adeegyo caafimaad u fidisay dad dan yar ah

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo adeegyo caafimaad u fidisay dad dan yar ah

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
0

Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In