Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 weeks ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 31 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka Xaaji-Cabdi ee degmada Gubadley, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir u qorsheeyay in dib-u-dejin loogu sameeyo shacabka ay saameeyeen qorshayaasha casriyeynta Caasimadda.

Deegaanka oo dhawaan laga hirgeliyay Dugsi Hoose iyo Dhexe oo lacag la’aan ah, ayaa sidoo kale leh adeegyada aasaasiga ah ee nolosha, sida biyaha iyo korontada. Waxaa sidoo kale loo qorsheeyay in laga dhiso suuq, masaajid iyo rug caafimaad.

Related posts

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tallaabadan la fulinayo iyadoo la raacayo amarka iyo jihaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo faray in casriyeynta Caasimaddu ay barbar socoto ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta.

Waxa uu xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu bixiyay 1,058 boos oo dhul ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen hawlaha jid-bixinta, kuwaas oo si lacag la’aan ah loogu wareejinayo qoysaska guryahoodu ku yaallaan goobaha laga hirgelinayo waddooyinka cusub.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha dib-u-dejinta la sii ballaarin doono, iyadoo dhulal cusub laga iibin doono degmooyinka Daarusalaam, Kaxda iyo Garasbaaleey, si halkaas loo dejiyo qoysas kale oo ay saameeyeen hawlaha casriyeynta Caasimadda.

Kormeerka waxaa Duqa Muqdisho ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulka iyo agaasimayaal ka tirsan waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta XFS ayaa waddo qorshe lagu dhisayo 10,000 oo guri oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan looga hadlayo arrimaha bani’aadantinimada

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In