Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho Oo Kulan La Qaatay Hooyo Deeqo Maxamed 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho Oo Kulan La Qaatay Hooyo Deeqo Maxamed 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), oo uu wehliyo Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamuud Jaamac (Baarqab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Hooyo Deeqo Maxamed Makaraan oo ah Hooyo dhashay seddex Carruur ah isla markaana la xanuunsan dhaawac dhinaca Lugta ah oo markiisa horrey ku bilawday Jab, isla markaana gaaray heer aan gudaha dalka waxba loogu qaban karin.

Hooyo Deeqo Maxamed Makaraan, ayaa baraha Bulshada soo dhigtay Muuqaal damqasho lahaa kuna saabsan in ay la il-daran tahay xanuun dhaawac oo lugta ah, isla markaana aysan awoodin in caafimaad dibadda ah ay aado maadaama aan dalka waxba loogu qaban karin. Iyadoona muuqaalkaasi ku codsatay in caawinaad loo fidiyo.

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Muuqaalkaasi ka daawaday Baraha Bulshada ayaa durbaba amray in lasoo baadi goobo hooyadaasi isla markaana xafiiskiisa loogu keeno, taasi oo suura-gelisay in maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar la keeno.

Xaal-wareysi, u-dhaga nuglaashiyo iyo Garowshiyo bini-aadannimo kadib ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) u balan qaaday Hooyo Deeqo Maxamed Makaran in uu wax ka qaban doonno xaaladeeda Caafimaad, asigoona ugu bishaareeyay in dalka dibadiisa loo diri doonno maadaama aan gudaha waxba loogu qaban karin xaaladeeda Caafimaad.



Previous Post

Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada Oo Muqdisho Ka Furmay 

Next Post

Golaha Shacabka Oo Loo Qeybiyay Laba Hindisi Sharciyeed

Next Post
Golaha Shacabka Oo Loo Qeybiyay Laba Hindisi Sharciyeed

Golaha Shacabka Oo Loo Qeybiyay Laba Hindisi Sharciyeed

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In