Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo xaflado soo dhaweeyn ah loogu sameeyay dalka Britain

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo xaflado soo dhaweeyn ah loogu sameeyay dalka Britain
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdishi Mudane Yusuf Huseen Jimcale oo booqasho ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda kala duwan ee dalka Ingiriiska ka sokow, waxa uu si  isdaba joog ah kulamo gaar gaar ah iyo kuwo guudba ula qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, ayagoo munaasabado soo dhaweeyn ah u sameeyay duqa magaalada Muqdisho iyo wafdigiisa.

Waxaa maalintii Jimcihii 22/01/2016, Caaasimadda labaad ee dalka Ingiriiska magaalada Birmingham lagu qabtay xaflad weeyn oo si heer sare ah loo soo abaabulay, taasoo ay ka qeyb galeen, Jaaliyadaha dalka Ingiriiska, oo isugu jiray waxgarad, aqoonyahann, ganacsato, haween iyo dhalinyaro.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Sidoo kale habeenki xalay ayaa xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay oo lagu soo dhaweeynayay Duqa magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay magalada London, taasoo ay ka qeyb galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ku dhaqan dalka Ingiriiska, kuwaas oo ka kala yimid dhamaan gobollada dalkaasi.

Munaasabadahaan kala duwan, ayaa duqa Magaalada Muqdisho iyo wafdigiisuba waxa ay jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyeen xaaladda guud ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, qorshaha iyo stratiijiyada maamulka cusub ee gobolka Banaadir iyo sidii qurbajoogtu uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta magaalada Muqdisho.

Qudbad dhinacya badan taabaneeyso oo uu gudoomiyuhu u jeediyay xalay jaaliyadda, ayaa waxa ay kicisay dareenka Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, iyadoo jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool dalka UK ay  muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay ka qeyb qataan dib u dhiska magaalada Muqdisho, ayagoo hakaas ku balanqaaday lacag iyo qalab lagu horumarinayo magaalada Muqdisho.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka qeybgashay xafladdi xalay ayaa u riyaaqay khudbaddii duqa magaalada, waxana ka muuqatay qiiro ay ku dheehantahay dareen waddaniyadeed, Waxayna balanqaadeen in maamulka gobolka Banaadir kala shaqeyndoonaan horumarinta caasimadda dalka.

Previous Post

Arday ka tirsan Qaxootiga Yemen ee Muqdisho jooga oo deeq waxbarasho la siiyay

Next Post

Marwada Koobaad ee Madaxweynaha oo kulan la qaadatay haween Soomaaliyeed

Next Post
Marwada Koobaad ee Madaxweynaha oo kulan la qaadatay haween Soomaaliyeed

Marwada Koobaad ee Madaxweynaha oo kulan la qaadatay haween Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In