Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duubab Soomaaliyeed Oo Kulan Ay Ku Yeesheen Muqdisho Ka Soo Saaray Baaq “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Duubab Soomaaliyeed Oo Kulan Ay Ku Yeesheen Muqdisho Ka Soo Saaray Baaq “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka oo ay isugu yimaadeen, Qaar ka mid ah isimada, ugaasyada iyo Duubabka Soomaaliyeed ayaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin colaadda ka taagan qaar ka mid ah gobollada dalka, gogol nabadeed oo uu Boqor Burhaan Burhaan Muuse u dhigayo duubabka iyo in laga qeyb qaato sidii guddiga gurmadka samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku xaniban lagu taageeri lahaa iyo arrimo kale.

Suldaan Caliyow Suldaan Ibrow oo la hadlay Warbaahinta ayaa gobta ka akhriyay War-saxaafadeed ay soo saareen duubabka, kaasi oo ay ku jirtay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda ka taagan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in colaadda ay ku soo laa laabatay meelo ka mid ah dalka, loo baahanyahay in qofkasta uu u istaago sidii loo qaboojin lahaa colaadda meelkasta ka mid ah geyiga Soomaaliyeed.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in duubabka ay ka aqbaleen codsigiisa oo ahaa in laga soo wada qeyb galo shirweyne uu ku qabanayo magaalada Qardho, kaasi oo u sheegay in la isugu imaan doono xajka kaddib waxaana uu bulshada ugu baaqay inay u gurmadaan walaalahood Yemen ka soo laabanaya.

Ugu dambeyntii kulanka ay Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah duubabka Soomaaliyeed waxaa duco ka soo keediyay Imaam Maxamed Yuusuf Cali Alle uga baryay in Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan uu quluubtooda isku soo duwo, islamarkaana ay noqdaan kuwa ka shaqeeya horumarkooda.

Copy of IMG_0147 IMG_0081 IMG_0082 IMG_0083 IMG_0084 IMG_0087 IMG_0088 IMG_0090 IMG_0093 IMG_0096 IMG_0098 IMG_0099 IMG_0100 IMG_0101 IMG_0102 IMG_0103 IMG_0104 IMG_0105 IMG_0106 IMG_0108 IMG_0109 IMG_0111 IMG_0113 IMG_0117 IMG_0120 IMG_0123 IMG_0124 IMG_0125 IMG_0126 IMG_0130 IMG_0134 IMG_0135 IMG_0137 IMG_0138 IMG_0140 IMG_0145 IMG_0146 IMG_0147

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Barlamaanka Soomaaliya oo Cod U qaadaya Mooshinka Golaha wakiillada Maamulka Jubba

Next Post
Barlamaanka Soomaaliya oo Cod U qaadaya Mooshinka Golaha wakiillada Maamulka Jubba

Barlamaanka Soomaaliya oo Cod U qaadaya Mooshinka Golaha wakiillada Maamulka Jubba

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In