Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ehelada Wiil ku xanuunsan Muqdisho oo codsaday gurmad deg deg ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ehelada Wiil ku xanuunsan Muqdisho oo codsaday gurmad deg deg ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

C/casiis Xasan Cali waa wiil saddex iyo labaatan sano jir ah oo muddo toban sano uu la xanuunsanayay xanuun dhinaca wadnaha ah ayaa xanuunkaas awgiis la jiifa isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dr Axmed Xasan Aadan oo ah dhaqtarka gacanta ku hayay wiilkaan xanuunsan ayaa sheegay in xaaladda wiilkan ay aad u liidato, isla markaana uu u baahan yahay gargaar degdeg ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

C/casiis Xasan Cali oo laga keenay Dagmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxa uu kasoo jeedaa qoys dan yar ah, Aabihiis waxa uu ku geeriyooday magaaladda Muqdisho xilli uu ku guda jiray raadinta nolol maalmeedka qoyska, Hooyadiisana waxa ay ku xanuunsanaysa magaalada muqdisho.

Midowga ardayda Jaamacada Soomaaliya ayaa maanta deeq lacageed oo gaaraysa kun doolar u fidiyay wiilkaas, taasoo ay ugu tala galeen in ay kaga qeyb qataaan caawintiisa si wax looga qabto xaaladiisa caafimaad.

Cabdullaahi Cumar Sheekh oo ah Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay hordhac u tahay caawimaad ay mar walba la garab taaganyihiin wiilkan xanuunsan.

Jaamac Xasan Maxamuud oo ah Hormuudka Arrimaha Ardayda ee Jaamacada Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan caawinta wiilkan xanuunsan.

Wiilkan ku xanuunsanaya Magaalada Muqdisho ayaa gacan qabasho ugu baahan dhamaan umadda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.

23

4

Previous Post

Xuska Maalinta Aragga Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Nabadoono caan ah ku dilay deegaanka Ceel Cali “Dhageyso”

Next Post
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Nabadoono caan ah ku dilay deegaanka Ceel Cali "Dhageyso"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In