Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Aragga Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Aragga Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan lagu xusayey maalinta Aragga Adduunka oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Uruka Indhoolayaasha Soomaaliyeed ee SABA iyo Uruka Dhaqaatiirta Indhaha waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta ururadaasi, xubno matalayey ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, saraakiil katirsan Booliska Soomaaliya iyo qaar kamid ah dadka araga naafada ka ah oo ay ka mid ahaayeen ardayda dugsiga Indhoolayaasha ee Al-nuur.

Mas’uuliyiinta ka hadlay munaasabadda oo ay ka mid ahaayeen dhaqaatiir iyo xubno kale oo araga naafo ka ah ayaa ka sheekeeyey ahmiyadda maalintan ay u leedahay adduunka oo dhan, gaar ahaana dadka araga naafada ka ah ee Soomaaliyeed

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

“Maalintaan qiimo weyn ayey ku leedahay dunida inteeda kale, waxaa la socota oo la xusaa maalinta Usha Cad oo iyadana muujineysa kaalinta dadka araga la’”

Generaal Maxamed Yuusuf Madaale oo kamid ah saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in Booliska mar waliba ay garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee aragga la’.

“Booliska waxa uu mar walba la shaqeeyaa bulshada, dadka indhoolayaasha ahna bulshada aan la shaqeyno ayey kamid yihiin”ayuu yiri Jeneraal Madaale.

Guddoomiyaha Uruka Indhoolayaasha Soomaaliyeed Macalin Ibraahim Cabdullaahi Maxamuud ayaa muujiyey in ay jiraan caqabado mararka qaar ay la kulmaan dadka aragga la’ sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in la dhiiro geliyo dadkaasi.

“Caqabada dadka ay la kulmaan waxaa kamid ah in wadayaasha gaadiidka qaarkood aaney fahansaneyn Usha cad iyo micnaheeda”ayuu yiri Macalin Ibraahim.

Dr C/samad  guddoomiyaha Uruka Dhaqaatiirta Indhaha iyo Dr Cali Baashi Cumar Rooraaye oo gaba gabadii munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay garab taaganyihiin dadka aragga la’ ee Soomaaliyeed oo door weyn ku leh bulshada inteeda kale.

 

IMG_0251 IMG_0258 IMG_0259 IMG_0264 IMG_0265 IMG_0266 IMG_0267 IMG_0278 IMG_0281 IMG_0284 IMG_0291 IMG_0298 IMG_0313 IMG_0339 IMG_0341 IMG_0350

Previous Post

Waddada Shariif Gacmeey ee magaalada Baydhabo oo dib u dayactir laga bilaabay

Next Post

Ehelada Wiil ku xanuunsan Muqdisho oo codsaday gurmad deg deg ah “SAWIRRO”

Next Post
Ehelada Wiil ku xanuunsan Muqdisho oo codsaday gurmad deg deg ah “SAWIRRO”

Ehelada Wiil ku xanuunsan Muqdisho oo codsaday gurmad deg deg ah "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In