Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Elman oo aan adkaan afar kulan oo xiriir ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Elman oo aan adkaan afar kulan oo xiriir ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Kubada Cagta Elman ayaa la kulantay Guul daradii lixaad toban kulan oo ay ciyaartay Horyaalka Premier League Somalia.

Related posts

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025

Elman waxaa ay ciyaartay kulankii ugu horeyay ee wareega labaad horyaalka Soomaaliya waxaana kulankaan ay fooda isku dareen garoonka Banaadir ee Degmada C.Casiis,

Ciyaarta oo ahayd mid dar dar ay la soo gashay Elman ayaa waxaa u suurta gashay in ay dhaliso mid ka mid ahaa goolasha ugu quruxdaa badnaa ee laga dhaliyay horyaalka hase yeeshe Heegan oo dib ka soo dagaalantay ayaa waxaa ay ku badashay goolkii laba gool.

Nyazi Ronaldo oo ka mid ah xidigaha ajaanibta eek u sugan horyaalka soomaaliya isagana soo dhaqaaqay kooxda Elman ayaa Heegan u suurta Galiyay Sadexdii dhibcood oo ay kula dagaalantay Kooxda Elman.

Nyazi Ronaldo ayaa ka dhaliyay goolkisii afaraad kooxda Elman laba kulan uu la ciyaaray kooxda tan iyo markii uu kooxdaasi ka soo dhaqaaqay bilowgii horyaalka.

24/01/2018 Kulan Elman 4-2 guuldaro ah ay kala kulantay kooxda Heegan wareegii hore horyaalka ayaa Nyazi waxaa uu ka dhaliyay sadexleey ย kooxdisii hore ee Elman ayadoo kulankii labaad uu ka hortagayna uu ka dhaliyay goolkii looga adkaaday kooxdisii hore ee Elman FC.

Heegan haatan waxaa ay soo buuxisay booska sadexaad oo ay kaga jirtay Kooxda Banaadir oo Jimcaha Horseed Kula Balansan Garoonka Banaadir.

Wareegi hore ee horyaalka soomaaliya kooxda Elman FC sagaal kulan oo ay ciyaartayย  waxa ay la kulantay shan guul daro waxaana taasi ay ka dhigan tahay in Elman aysan ka mid ahayn afarta kooxod ee ugu sareysa.ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย 

Afarta kooxod ee ugu sareyso horyaalka soomaaliya ayaa ah kooxaha loo saadalinayo hanashada horyaalka soomaaliya balse afartaan ayaanan ka mid ahayn kooxda Elman oo ka mid ah kooxaha ugu guulaha badan gudaha soomaaliya waana mid ka mid ah kooxaha ugu caansan horyaalka soomaaliya.

Dhamaan afarta kooxod ee ugu sareysa horyaalka waxaa ay ka wada adkadeen kooxda Elman kulamada ay wada ciyareen horyaalka soomaaliya kooxda Heegan oo labadii waji ee horyaalka ay la ciyaartay ayaa ka adkaatay waana kooxdii ugu danbeysay oo ka adkaatay kooxda Elman Fc

ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย KOOXAHA KA ADKAADAY ELMAN FC

28/03/2018ย ย ย ย ย ย ย  Elman FCย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  1 : 2ย ย ย ย ย ย ย ย  Hegaan SC

22/03/2018ย ย ย ย ย ย  Horseed S.Cย ย ย ย ย ย ย  2 : 0ย ย ย ย ย ย  Elman FC

01/03/2018ย ย ย ย ย ย  Elman FCย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  1 : 4ย ย ย ย ย ย  Batroolka FC

13/02/2018ย ย ย ย ย ย  Elman FCย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  2 : 6ย ย ย ย ย ย  Banadir S.C

05/02/2018ย ย ย ย ย ย  Dekedda SCย ย ย ย ย ย ย  1 : 0ย ย ย ย ย ย  Elman FC

24/01/2018ย ย ย ย ย ย  Heegan S.Cย ย ย ย ย ย ย ย ย  4 : 1ย ย ย ย ย ย  Elman FC

Toban kulan oo ay ciyaartay kooxda Elman kooxaha Horseed iyo Dekada ayeey ku guul dareysatay in gool ay dhaliso hase yeeshe waxaa ay soo taabatay shabaqada dhamaan kooxaha kale ee ku tartamaya horyaalnimada soomaaliya xili ciyareedkan.

Elman xili ciyaareedkan waxaa ay la kulantay guul darooyinkii ugu badnaa oo kooxda ay la kulanto wareega hore ย ee horyaalka soomaaliya.

Xili ciyareedkii hore oo Dekada ay ku guuleysatay horyaalka soomaaliya ayaa kooxda Elman 12 kii kulan ee ugu horeyay ayaa waxaa laga dhaliyay 7 gool oo quraa ayadoo haatan wareega hore laga dhaliyay 20 gool.

Kooxaha ka adkaaday Elman Lixda kulan oo ay lumisay xili ciyareedkan ayaa waxaa ay kala kulantay afarta kooxod ee ugu sareyso horyaalka iyo kooxda Batroolka sidoo kale Elman ayaa waxaa laga dhaliyay 22 gool shan iyo toban ka mid ah waxaa ka dhaliyay afarta kooxod ee ugu sareysa horyaalka soomaaliya taasi ayaana ah halka ay ku liidato kooxda Elman oo aanan ka adkaan wali koox ka dhibco sareyso.

ELMAN FC IYO AFARTA KOOXOD EE UGU HOOSEYSA HORYAALKA

16/03/2018ย ย ย ย ย ย  Elman FCย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  2 : 2ย ย ย ย ย ย  Jeenyo FC

09/03/2018ย ย ย ย ย ย  Elman FCย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  3 : 0ย ย ย ย ย ย  Gaadiidka FC

21/02/2018ย ย ย ย ย ย  Elman FCย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  5 : 1ย ย ย ย ย ย  Madbacadda FC

30/01/2018ย ย ย ย ย ย  Waxool FCย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  0 : 4ย ย ย ย ย ย  Elman FC

Elman ayaa ka heshay afarta koxood ee ugu hooseysa horyaalka soomaaliya dhibcaha haatan ay leedahay ee Tobanka ah waxaana kooxda ay qasaarisay lix kulan oo laga adkaatay ayadoo sidoo kale ay dhalisay 19 gool halkaย  laga dhaliyay 22 gool.

Kulanka soo socda waxaa ay la ciyaari doonta kooxda waxool oo ka mid ah labada kooxod ee ugu hooseya horyaalka premier league Somalia.

Previous Post

Laamaha ammaanka oo Muqdisho ku qabtay Maandooriyaal iyo Hub Amni daro loo adeegsanayay

Next Post

Maxaad ka taqaan Waxtarka Liin Dhanaanta (Maqaal)

Next Post

Maxaad ka taqaan Waxtarka Liin Dhanaanta (Maqaal)

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
0

Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In