Friday, September 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng. Yarisow “Isla-xisaabtan iyo daah-furnaantu waa mid kamid ah wax yaabaha mudnaanta sare u leh Maamulka Gobolka Benaadir” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Eng. Yarisow “Isla-xisaabtan iyo daah-furnaantu waa mid kamid ah wax yaabaha mudnaanta sare u leh Maamulka Gobolka Benaadir” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Janaayo 31 2018—-Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ku-xigeenka Maaliyadda iyo Xog-hayaha gobolka ayaa kulan la qaatay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr. Hugh Riddell. Waxana ay ka wada hadleen wada-shaqeynta iyo iskaashi ka dhexeeya hay’adda iyo maamulka gobolka sidii loo xoojin lahaa.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr. Hugh Riddell ayaa boggaadiyey maamulka cusub, isagoona uga mahadceliyey maamulkii hore in si nabad ah oo dimoqoraadi ah ay xilka u wareejiyeen, tani oo cadeynaysa in dadka Soomaaliyeed u bislaadeen adkeynta dawladnimada. Mr Riddell ayaa balan-qaaday inuu sii xoojin doono taageerada uu bangigu siiyo maamulka gobolka Benaadir si loo hirgeliyo adeeg bulsho oo dhameystiran.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026

“Waxaa naga go’an horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo dhismaha hay’adaha dawladda hoose ee Xamar. Bangiga Adduunku wuxuu mashaariic ka fulin doonaa magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ugu horeyso Muqdisho, si ay dadku u helaan adeegyada bulsho ee ay u baahan yihiin, waxana ka wada shaqeynaynaa kobcinta ilaha dhaqaale, federaaleynta, yareynta saboolnimada iyo in la xaqiijiyo mashaariicdu iney gaareen meelihii loo qorsheeyey”. Ayuu yiri Madaxa Bangiga Adduunka oo intaas ku daray muhiimadda ay leedahay in dadka Muqdisho ay maamulka kala shaqeeyaan bixinta canshuuraha si loo gaaro horumar iyo isku filnaasho.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in maamulkiisu ay ka go’an tahay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan, iyadoo wax walba lagu bixin doono nidaam cad oo la isla wada ogol-yahay, si meesha looga saaro wax walba oo keeni kara musuq-maasuq iyo in hantida ummadda ay ku dhacdo gacmo kale.

“Maamulka gobolka Benaadir, waxaa ka go’an horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee meesha ka baxay. Shacabka ku dhaqanka magaalada Muqdisho waxaan ka filaynaa inay bixiyaan canshuuraha, anagana wax muuqda ugu qabano canshuurta ay bixiyaan, tani oo qeyb ka ah qorshaheena isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta”. Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, ayaa sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay sii xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee kala dhexeeya Bangiga adduunka, isla markaana waxa uu ku boorriyey in la dar-dar geliyo adkaynta xiriirkaasi wada shaqayneed ee ka dhexeeya, si loo gaaro yoolka la higsanaayo ee ah Soomaaliya horumarsan oo isku filan.

-DHAMMAAD-

Previous Post

5 Qodob oo Soomaaliya ay ka faa’iidday ka qeyb galka Shirka Madaxeedka 30aad ee Afrika

Next Post

Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka iyo Xukuumadda Hirshabeelle oo kulmay “SAWIRRO”

Next Post
Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka iyo Xukuumadda Hirshabeelle oo kulmay “SAWIRRO”

Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka iyo Xukuumadda Hirshabeelle oo kulmay "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In