Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng. Yarisow “Isla-xisaabtan iyo daah-furnaantu waa mid kamid ah wax yaabaha mudnaanta sare u leh Maamulka Gobolka Benaadir” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Eng. Yarisow “Isla-xisaabtan iyo daah-furnaantu waa mid kamid ah wax yaabaha mudnaanta sare u leh Maamulka Gobolka Benaadir” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Janaayo 31 2018—-Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ku-xigeenka Maaliyadda iyo Xog-hayaha gobolka ayaa kulan la qaatay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr. Hugh Riddell. Waxana ay ka wada hadleen wada-shaqeynta iyo iskaashi ka dhexeeya hay’adda iyo maamulka gobolka sidii loo xoojin lahaa.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr. Hugh Riddell ayaa boggaadiyey maamulka cusub, isagoona uga mahadceliyey maamulkii hore in si nabad ah oo dimoqoraadi ah ay xilka u wareejiyeen, tani oo cadeynaysa in dadka Soomaaliyeed u bislaadeen adkeynta dawladnimada. Mr Riddell ayaa balan-qaaday inuu sii xoojin doono taageerada uu bangigu siiyo maamulka gobolka Benaadir si loo hirgeliyo adeeg bulsho oo dhameystiran.

Related posts

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026

“Waxaa naga go’an horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo dhismaha hay’adaha dawladda hoose ee Xamar. Bangiga Adduunku wuxuu mashaariic ka fulin doonaa magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ugu horeyso Muqdisho, si ay dadku u helaan adeegyada bulsho ee ay u baahan yihiin, waxana ka wada shaqeynaynaa kobcinta ilaha dhaqaale, federaaleynta, yareynta saboolnimada iyo in la xaqiijiyo mashaariicdu iney gaareen meelihii loo qorsheeyey”. Ayuu yiri Madaxa Bangiga Adduunka oo intaas ku daray muhiimadda ay leedahay in dadka Muqdisho ay maamulka kala shaqeeyaan bixinta canshuuraha si loo gaaro horumar iyo isku filnaasho.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in maamulkiisu ay ka go’an tahay isla-xisaabtan iyo daah-furnaan, iyadoo wax walba lagu bixin doono nidaam cad oo la isla wada ogol-yahay, si meesha looga saaro wax walba oo keeni kara musuq-maasuq iyo in hantida ummadda ay ku dhacdo gacmo kale.

“Maamulka gobolka Benaadir, waxaa ka go’an horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee meesha ka baxay. Shacabka ku dhaqanka magaalada Muqdisho waxaan ka filaynaa inay bixiyaan canshuuraha, anagana wax muuqda ugu qabano canshuurta ay bixiyaan, tani oo qeyb ka ah qorshaheena isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta”. Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, ayaa sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay sii xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee kala dhexeeya Bangiga adduunka, isla markaana waxa uu ku boorriyey in la dar-dar geliyo adkaynta xiriirkaasi wada shaqayneed ee ka dhexeeya, si loo gaaro yoolka la higsanaayo ee ah Soomaaliya horumarsan oo isku filan.

-DHAMMAAD-

Previous Post

5 Qodob oo Soomaaliya ay ka faa’iidday ka qeyb galka Shirka Madaxeedka 30aad ee Afrika

Next Post

Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka iyo Xukuumadda Hirshabeelle oo kulmay “SAWIRRO”

Next Post
Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka iyo Xukuumadda Hirshabeelle oo kulmay “SAWIRRO”

Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka iyo Xukuumadda Hirshabeelle oo kulmay "SAWIRRO"

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay masuuliyiin ka socota IOM

January 12, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Kismaayo

January 12, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si...

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

January 12, 2026
0

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In