Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo ku amaanay Haweenka Soomaamliyeed kaalinta ay ka qaataan horumarinta Dalka (WARSAXAAFADEED)

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo ku amaanay Haweenka Soomaamliyeed kaalinta ay ka qaataan horumarinta Dalka (WARSAXAAFADEED)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ee Haweenka, mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay sannadahan dhow ka gaareen horumarka – gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka, sidoo kale Ergeyga QM oo bogaadiyay kaalinta ay haweenku ka qaataan horumarinta wadajirka bulsho Soomaaliyeed oo siman

War Saxaafadeed uu soo saaray Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa yiri:“Haweenka ayaa isku hayay qoysaska Soomaaliyeed intii lagu jiray sannadihii dheeraa ee fowdada iyo colaadda hubaysan ee dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Related posts

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026

Haweenka Soomaaliyeed waxay dhigeen taariikh xilligii hanaankii doorashada ee sannadkii 2016kii, markaaso ay murashaxiinta haweenka ahi ay ku guuleysteen boqolkiiba 24 kuraasta baarlamaanka federaalka. Kumanaan haween ah ayaa codkooda ka dhiibtay 275 ahaa ergooyinka doorashada ee soo xulay xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka.

Afar ka mid ah toban kasta oo haweenka dhallinyarada ahi waa kuwo dhaqaale ahaan u firfircoon, haweenkuna ku fideen dhinacyada qabashada shaqada iyo wax soo saarka nolosha ee dhaqan ahaan ay raggu qaban jiraan, gaar ahaan haween badan ayaa mas’uuladda u qabtay wax soo saarka dakhliga qoyska.

Hase yeeshee, haweenka iyo gabdhuhu waxay weli wajahayaan takoor ballaaran iyo caqabado badan oo hortaagan horumarkooda xirfadeed iyo kan waxbarasho. In lagu qiyaasay boqolkiiba 98 oo ka mid ah dhammaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ayaa lagu sameeyay gudniinka fircooniga. Tacaddiyada galmada iyo kuwa ku saleysan jinsiga qofka ayaa ah xaqiiqo ah dhibaato adag oo haysata malaayiin haween ah oo ku dalkoo dhan, haweenka Soomaaliyeed ee dhallinyarada ah waxay helaan dhaqaale iyo fursado aad u yar, marka loo fiiriyo dhiggooda raga ah.

“Caqabadahan waa in wax laga qabtaa oo laga gudbaa iyadoo la sameynayo shuruuc adag, siyaasado dowladeed iyo barnaamijyo wax ku ool ah. Ka qaybgalka haweenka ee go’aan qaadashada xilalka hoggaamineed oo la kordhiyo ayaa lagama maarmaan ah,” ayuu yiri Md. Keating.

Awood siinta haweenka ayaa weli ah arrin udubdhexaad u ah dadaallada Qaramada Midoobay ay wax kaga qabanayso caqabadaha bulsho, kuwa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee Soomaaliya iyo adduunka oo dhan. Maalintan oo sannad walba la xuso 8da bisha Maarso, mowduuca xuska sannadkan waa: “Waqtigu waa Hadda: U ololeeyeyaasha miyiga iyo magaalada oo isbedel ku sameynaya nolosha haweenka.”

Isagoo jeedinaya farriintiisa sannadlaha ah ee Maalinta Caalamiga ee Haweenka ee 8-da Maarso, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres wuxuu caddeeyay in “gaaridda sinaanta jinsiga iyo awood siinta haweenka iyo gabdhaha ay tahay shaqada aan weli dhammeystirmin ee waqtigeena, iyo caqabadda baniaadan ee ugu weyn eek a jirta adduunkeena.”

Previous Post

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maalinta Haweenka Aduunka ee 8 Marso oo maanta laga xusayo Dalka

Next Post
Maalinta Haweenka Aduunka ee 8 Marso oo maanta laga xusayo Dalka

Maalinta Haweenka Aduunka ee 8 Marso oo maanta laga xusayo Dalka

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
0

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey uu soo gaaray biyaha dalka,...

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In