Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ethiopia iyo Eritrea oo heshiis ku saxiixaya magaalada Jeddah

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ethiopia iyo Eritrea oo heshiis ku saxiixaya magaalada Jeddah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa maanta martgelineysa kulan taariikhi ah oo u dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Eritrea, kaas oo ka dhici doona magaalada Jeddah, sida ay sheegtay warbaahinta wadankaas.

Hoggaamiyeyaasha labada dal ayaa qalinka ku duugi doona heshiis lagu dhameyn doono colaada u dhexeysa labdaas dalka muddo 20 sano ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026

Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Dr. Aby Axmed iyo madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerk ayaa halkaas ku kulmi doona maanta oo Axad ah si ay u amba qaadaan talaabooyinka lagu xoojinayo dib u heshiisiinta xukuumadaha Adis-Abab iyo Asmara ay bilaabeen bishii Luulyo ee la soo dhaafay.

Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz Al-Sacuud  oo martida loo yahay ka sokow waxaa kale oo kulankaas goob joog ka ahaan doona xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo guddoomiyaha guddiyada Midowga Afrika Musa Faki Maxamed si ay markhaati ugu noqdaan heshiiska.

Tallaadadii la soo dhaafay, labada dal ayaa dib u furey xuduuda kala qeybisa taas oo xirneyd 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Bishii Luulyo ee sanadkan, Ethiopia iyo Eritrea ayaa wada saxiixday heshiis lagu dhameyay colaada mudada dheer ka dhex aloosneyd laga soo bilaabo sanadkii 1998 kal kaas oo labada dal dagaal lagu hoobtay xadka ku dhex maray, colaadaas ayaa waxaa ku dhintay 80,000 oo ruux halka in ka badan 350,000 oo qof ay ku barakaceen.

Dr. Aby, Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii April waxaa uu sameeyay isbedelo aad u balaaran oo si weyn u saameysay gobolka geeska Afrika, waxaana kamid ah; heshiiska dalalka dariska ah iyo sii deynta maxaabiis siyaasadeed oo aad u badan.

Previous Post

Xildhibaan Boorow oo ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa

Next Post

Guddoonka Golaha Shacabka iyo RW Kheyre oo booqday mudane ka tirsan golaha shacabka oo gaarigiisa qarax loogu xiray+Sawirro

Next Post
Guddoonka Golaha Shacabka iyo RW Kheyre oo booqday mudane ka tirsan golaha shacabka oo gaarigiisa qarax loogu xiray+Sawirro

Guddoonka Golaha Shacabka iyo RW Kheyre oo booqday mudane ka tirsan golaha shacabka oo gaarigiisa qarax loogu xiray+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In