Saturday, December 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faah-faahin: Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shirka degdega ah ee IGAD

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid AU Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

December 5, 2025
Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025

 

Muqdisho, 21ka Juun 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb geli doonaan Shir Madaxeed deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, Hoggaanka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ay kaga arrinsanayaan xasilinta dalka Koonfurta Suudaan.

Hoggaamiyeyaasha 8da dal ee ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirku socanayo, waxa ay dib u eegis ku sameyn doonaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku saabsan dib-u-soo celinta nabadda Koonfurta Suudaan, qodobadii laga fuliyey heshiisyadii horey ay u kala saxiixdeen dhinacyadii ku dagaallamay dalkaas iyo caqabadaha haatan hortaagan in ay ka hana qaaddo xasillooni buuxda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa hor dhigi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in la xoojiyo nabad galyada Gobolka, lana soo afjaro dhammaan colaadaha sokeeyo, iyadoona loo marayo is-qancin, isu-tanaasul iyo wada xaajood, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ahayd dadaalladii diblumaasiyadeed ee lagu wajahayey colaaddii sokeeye ee ka qaraxday dalkaas dabayaaqadii 2013kii, tan iyo wakhtigaasna Soomaaliya waxa ay kaalin muuqata ka qaadaneysay qorshayaasha iyo shirarka ku saabsan xal u helista dhibaatooyinka dib u dhigay hor-u-socodka Suudaanta Koonfureed.

Previous Post

Agaasimaha guud ee HSJ oo kormeer shaqo ku tagey magaalada Kismaayo

Next Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo Ra’iisul Wasaare Khayre Kulan soo Dhaweyn ah ugu Sameeyey Oslo

Next Post
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo Ra’iisul Wasaare Khayre Kulan soo Dhaweyn ah ugu Sameeyey Oslo

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo Ra’iisul Wasaare Khayre Kulan soo Dhaweyn ah ugu Sameeyey Oslo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

December 5, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo...

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee XFS Cali Ifiye Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir...

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

December 5, 2025
0

Wasiirka Awqafta iyo Arrimaha Islaamka XF S Mudane Sheekh Muqtaar Rooboow oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay...

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

December 5, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye oo qabtay dood cilmiyeed ay ka qeybgaleen qaar kamid ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In