Tuesday, April 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faah-faahin: Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shirka degdega ah ee IGAD

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid AU Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

Muqdisho, 21ka Juun 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb geli doonaan Shir Madaxeed deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, Hoggaanka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ay kaga arrinsanayaan xasilinta dalka Koonfurta Suudaan.

Hoggaamiyeyaasha 8da dal ee ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirku socanayo, waxa ay dib u eegis ku sameyn doonaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku saabsan dib-u-soo celinta nabadda Koonfurta Suudaan, qodobadii laga fuliyey heshiisyadii horey ay u kala saxiixdeen dhinacyadii ku dagaallamay dalkaas iyo caqabadaha haatan hortaagan in ay ka hana qaaddo xasillooni buuxda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa hor dhigi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in la xoojiyo nabad galyada Gobolka, lana soo afjaro dhammaan colaadaha sokeeyo, iyadoona loo marayo is-qancin, isu-tanaasul iyo wada xaajood, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ahayd dadaalladii diblumaasiyadeed ee lagu wajahayey colaaddii sokeeye ee ka qaraxday dalkaas dabayaaqadii 2013kii, tan iyo wakhtigaasna Soomaaliya waxa ay kaalin muuqata ka qaadaneysay qorshayaasha iyo shirarka ku saabsan xal u helista dhibaatooyinka dib u dhigay hor-u-socodka Suudaanta Koonfureed.

Previous Post

Agaasimaha guud ee HSJ oo kormeer shaqo ku tagey magaalada Kismaayo

Next Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo Ra’iisul Wasaare Khayre Kulan soo Dhaweyn ah ugu Sameeyey Oslo

Next Post
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo Ra’iisul Wasaare Khayre Kulan soo Dhaweyn ah ugu Sameeyey Oslo

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo Ra’iisul Wasaare Khayre Kulan soo Dhaweyn ah ugu Sameeyey Oslo

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In