Xuska sanadguurada 55aad ee gobollada Waqooyi, waxa ay ahayd markii ugu horeysay oo xuskii ugu balaarnaa ee sida weyn looga xuso gobollada Koonfureed, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaali Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka jeediyay munaasabadaasi khudbad aad u dheer oo xiiso gelisay dhamaan dadkii ka qeyb galay.
26-ka bisha lixaad ee sanadkasta waxa uu shacabka Soomaaliyeed u dabaal degaa, maalmihiisa qaaliga ahaa ee todobaadka xoriyadda, dhab ahaantii Walaalaha Hargeysa waxa ay nasiib u yeesheen inay noqdaan shacabkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee qaata ama ka xoroobo gumeysigii Ingiriiska, iyadoo gobollada Koonfureed ay Talyaaniga ka xoroobeen 1-dii Luul 1960-kii, waxaa xigtay in isla taariikhdaasi ay midoobaan Waqooyi iyo Koonfur, waxaa la filaayay misna waxaa la filayay Walaalaha Jabuuti oo 27-kii ee sanadkii 1977-kii xornimada ka qaatay gumeystihii Faransiiska, waxa ay noqdeen dowlad Madax banaan, oo ma aysan ka mid noqon midowgii Soomaaliya, inkasta oo saddex dowladood oo Soomaaliyeed ay ka xoroobeen Gumeystayaashii Faransiiska, Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Waxaa xusid mudan 1960-kii Markii ay Midoobeen Soomaaliya iyo Somaliland, bilo kaddib waxaa afgambi isku dayay saraakiil ka tirsaneyd ciidamadii dowladda, kuwaasi oo doonayay inay ka go’aan koonfur inteeda kale, waxaana durbadiiba fashiliyay saraakiil kale oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasbadii lagu xusayay 55-guuradii ka soo wareegtay markii Gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, waxa uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay taariikhdaasi dheer, ayuu ku sheegay in halgan dheer ay u soo mareen, hase ahaatee Walaalihii shalay midoobay, ay maanta kala maqanyihiin oo ay kala irdhoobeen, lakiin taasi waxa ay ahayd in si dhab ah looga wada hadlo labada dhinac, inkasta oo la isku dayay in dhowr jeer shirar arrimaahi la xiriirta lagu qabtay dibadda, oo aysan ka soo bixin natiijo fiican, shacabka Soomaaliyeed waxa uu aad u quudareynayaa Walalaha Waqooyi, inkasta oo arrinta la siyaasadeeyay laakiin caqligii shalay keenay in la midoobay, iyo kii keenay in laka tego markii lakala jaray, waxaa weyn kii shalay horseeday in la midoobo.
24 sano kahor waxa ay Soomaaliya ahayd dowlad xoogan oo aan lagu soo deg degi Karin, waxaa tusaale cod u ahayd, dagaalkii 77 ee u dhexeeyay Ethiopia iyo Soomaaliya, hase ahaatee midnimada wax la gaari karo ma ahan, laakiin
Si kastaba ha isu rog rogto sheekadu Soomaaliya kala ma maaranto, waxaana hadda socda wadahadadalo u dhexeeya Koonfur iyo Waqooyi, waxaana la rajeynayaa in sanad guurada 56aad ay noqon doonto sanadkii labaad ee Midowgii Soomaaliya, waayo Soomaliya kala ma maaranto, laakiin cidna ma iloobin, Sareeyo ma nusqaamoo aan siduu yahay eegee, kana siib kana saar.
W/D Ciise Faarax