Madaxweynaha dalka India Pranab Mukherjee ayaa maanta oo Talaado ah salaam u soo direy dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda xuska maalinta xoriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku began 1 July.
Dhambaalka hambaliyada ah oo uu y soo direy madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu madxweyne Mukherjee waxaa uu ku yiriโ tani waxaa ay I siinaysaa faraxd aad u weyn,waxaan u hayaa salaan diiran iyo hambalyo shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya munaasabadda maalinta qarankaโ.
Madaxweynaha India ayaa sheegay in dowladaha India iyo Soomaaliya ay ka dhaxeyso xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer.
Waxaa ku kalsoonahay in Soomaaliya ay sii wadi doonto horumarka dhanka nabadda,dhismaha heyโadaha dowliga iyo kaabiyaasha dhaqaalaha maalmaha soo socoda, waxaan rajeynayaa in uu sii socon doono wada shaqeynta labada dhinac taas oo ku salaysan danaha labada dowladood.
Isha warkan: business-standard