Wednesday, August 10, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay tayaynta umulasad oo Baydhabo lagu qabtay

June 30, 2015
in Wararka
0
Weerar Kooxda UGUS ay Ku Qaadeen Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Ee Beydhabo Oo Ciidamada ay Fashiliyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay sidii umuliso dhaqameedyada xirfadooda kor loogu qaadi lahaa isla markaana ula shaqeyn lahaayeen xarumaha caafimaadka ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka iyo tan dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Faadumo Sheekh Xasan oo kamid aheyd dadkii kulankan soo qaban qaabiyay ayaa sheegtay in hooyada Soomaaliyeed ay dhibaato badan kala kulanto xilliga umusha isla markaana si dhibaatadaasi loo yereeyo ay qasab tahay in la helo umuliso xirfad leh.

Related posts

Biden oo sheegay in go’aanka Finland iyo Sweden ay xoojin doonto  NATO

Biden oo sheegay in go’aanka Finland iyo Sweden ay xoojin doonto  NATO

August 10, 2022
Ciidamada Xoogga dalka oo howgallo ka wado gobolka Hiiraan

Ciidamada Xoogga dalka oo howgallo ka wado gobolka Hiiraan

August 10, 2022

“Ujeedada laga leeyahay waxaa ay tahay isku xirka umuliso dhaqameedyada iyo shaqaalaha caafimaadka si loo horumariyo taranka caafimaadka isla markaana la helo ilomo caafimaad qaba iyo hooyo caafimaad qabta”, ayay tiri Faadumo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Koonfur galbeed Isaaq Xasan oo kulanka ka hadlay ayaa ka codsaday umuliso dhaqameedyada in ay ku xirnaadaan xarumaha caafimaadka si loo badbaadiyo hooyada Soomaaliyeed.

Sidoo kulanka ayaa waxaa ka hadlay qaar kamid ah umuliso dhaqameedyada waxaana ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan xarumaha caafimaadka si ay aqoondooda u kororsadaan,ayagoo ku dooday in haweenka qaar ay ka cabsadaan Isbitaalada loona baahan yahay in la wacyigeliyo si ay u ogaadaan faa’idada ku jirta in hooyada foosha haysa ay ku umusho xarun caafimaad oo tayo leh.

Dalka Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in uu kamid yahay dalalka ugu badan marka ay timaado dhimashada hooyada iyo dhallaanka kaas oo loo aaneeyo la’aanta xarumaha lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweynaha India oo shacabka Soomaaliyeed u hambalyeeyay

Next Post

Islaamku waa diin nabadeed

Next Post
Islaamku waa diin nabadeed

Islaamku waa diin nabadeed

Biden oo sheegay in go’aanka Finland iyo Sweden ay xoojin doonto  NATO

Biden oo sheegay in go’aanka Finland iyo Sweden ay xoojin doonto  NATO

August 10, 2022
0

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa carabka ku adkeeyay in go'aanka Dowladaha  Finland iyo Sweden ee ku saabsan ku biirista NATO...

Ciidamada Xoogga dalka oo howgallo ka wado gobolka Hiiraan

Ciidamada Xoogga dalka oo howgallo ka wado gobolka Hiiraan

August 10, 2022
0

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, ka wado degaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan, ayaa cagta mariyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guuddiga KMG ah ee ka tala bixinta dhacdadii 7-bishan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guuddiga KMG ah ee ka tala bixinta dhacdadii 7-bishan

August 10, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa hoygiisa Kulan kula qaatay Guddiga KMG ah ee Ka tala bixinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Warshadaha Soo Saara Qalabka Ciidamada Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Warshadaha Soo Saara Qalabka Ciidamada Uganda

August 10, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan dalka Unganda ayaa booqday deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In