Xiriirka Turkiga-Soomaaliya waa xiriir diblomaasi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Xiriirkaan oo ah mid taariikhdiisa fogtahay ayaa waxa aan ku soo xasuusan karnaa dawladdii cusmaaniyiinta oo uu hoggaaminaye cusmaan oo soo gaaray koonfurta dalka Soomaaliya dawladaan oo aheyd dowlad islaam ah oo ka dhisneen dalka turkiga magaalo madaxna u aheyd istanbul ayaa Soomaaliya ka talineysay ku dhawaad 300 oo sano, caqiiddo ahaanna labada shacab waxay isaga mid yihiin Diinta Muslimka ahna ( suni).
Soomaaliya kadib xornimadii 1960-kii, waxay xiriir la lahayd dalal farabadan oo ay ka heli jirtay caawinaad, waxaana ugu muhiimsanaa Talyaaniga, Dhulkii la isku oran jiray Midowga Sofiyet, dalalka ku bahoobay Jaamacada Carabta, Maraykanka, Jarmalkaiyo Shiinaha.
Shacabka turkiga iyo shacabka soomaaliyeed Taariikh dheer ayaa ka dhaxaysa sanadahii laga soo bilaabo 2010 ilaa hada 2017 xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya wuxuu gaarayaa meel wanaagsen labada wadan Madaxdooda ayaa booqasho joogta ah ku kala taga labada wadan, iyadoo Wadanka Turkiga uu saxiib ama walaal yar ka dhigtay shacabka soomaaliyeed ee ku nool Qaaradda Afrika, waxayna Booqashadii Taariikhiga aheyd Bishii August 19-keedi sanadkii 2011 uu Racep Tayyib Erdogan oo xilligaasi ahaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Turkiga waxa uuna booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho, isaga iyo Wafdiga ballaaran oo ka socday Dowlada Turkiga iyo ganacsato u dhalatay Dalkaasi, taasi oo bedeshay fikirkii ay Madaxda Caalamka ka qabeen Soomaaliya ee ahaa in aan la imaan Karin Soomaaliya.
Dawlada Turkiga ayaa ka qeybqaadatay soo celiso bilicda iyo quruxda caasimada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, waxaana laga hirgaliyay Dib u dayactirid Waddooyinkii, goobo Waxbarasho, isbitaallo, dhismaha Safaaradda ugu weyn Qaarada afrika ee Dawlada Turkigu leeyahay, garoomada diyaaradaha, Dekada oo la casriyeeyey, Dhismaha xarun lagu taba baro Ciidanka soomaaliya, taasina waxay sabatay in Rajada dawladnimo ee Soomaaliya ay soo noolaato.
Haddaba Dhawaan ayay aheyd markii si wada jir ah xarigga uga wada jareen Xero weyn oo loogu tala galay tababarka Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo ku taalla bariga Magaalada Muqdishow Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mud: Xasan Cali Khayre iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Turkiga Hulusi Akar, waxaa goob joog ka ahaa furitaanka saldhigaas mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya, Safiirada beesha Caalamka ee soomaaliya ku sugan, iyo Saraakiil ka kala socotay labada dal.
Taliyaha guud ee Ciidamada Turkiga Hulusi Akar ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay inay garab siiyaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana saldhigani uu dabooli doono baahida loo qabo dhismaha ciidan qaran oo yeelato Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo isna halkaasi ka hadaly ayaa ammaanay taageerada hagar la’aanta ah ee Turkigu ay mar walba la garab-taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, taasoo uu sheegay inay qiimo weyn ugu fadhido Soomaaliya. Wuxuna u mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Turkiga oo u yimid furitaanka saldhiggan loo dhisay qaabka casriga ah, wuxuuna yiri:- “Waxaa jiray waqti uu dalkeenu lahaa Ciidanka ugu fiican Afrika, waxaa jirey xili ciidankeenu ahaayeen libaaxyada Afrika. Markaas iyada ah waxaa gacanta ku hayay saraakiil Soomaaliyeed, maantase waxaan halkan u taagan nahay dib-u-yagleelidda ciidankii ahaa libaaxyada Afrika”.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay mareyso meel ay dib uga soo kabanayso collaadii iyo dagaalkii sokeeye. Iyadoo xiligani lagu socdo jidkii horumarka iyo dib u soo kabashada, wuxuuna yiri:- “Maanta wuxuu dalkeenu ku socdaa jidkii horumarka iyo dhismaha ciidanka, si taas loo xaqiijiyana waa in la helaa ciidan Soomaaliyeed oo u taagan difaaca qaranimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, dugsigana wuxuu qeyb ka yahay horumarka aan higsanayno ee lagu dhisayo ciidankeena”.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu tilmaamay si looga guuleysto faqriga iyo argagixisada in maanka lagu hayo dhismaha Ciidanka iyo la dagaalanka Musuqa ay ka mid yihiin meelaha muhiimka ah si looga soo kabto dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii sokeeye, wuxuuna yiri:- “Dugsigani wuxuu noo leeyahay muhiimad, waayo waa tallaabo muuqata oo loo qaaday dib-u-dhiska ciidanka Xoogga dalka. Halkan waxaa ku diyaarsan qeybtii ugu horeysay ee ciidan Soomaaliyeed oo ka kala yimid guud ahaan qeybaha dalka, Waa inaad ogaataan askari walba oo halkan jooga inuu matalayo Soomaaliya ee uusan qabiil iyo deegaan gaar ah mataleyn”, wuxuuna uga mahad celiyey dawladda Turkiya inay Soomaaliya ka hirgelisay saldhiggii iyo Safaaraddii ugu weynayd ee ku yeelato meel ka baxsan dalkooda.
Waxaan shaki ku jirin in maanta dalkeena uu wadada nabadda loo qaado uu ku socdo, waxa kaliya ee ka dhimana ay tahay in uu yeesho ciidan qaran oo qayimkiisa aqlaaqeed uu nool yahay,kana xoroobay waxa loo yaqaano qabyaaldda iyo iskala sooca si dalka uu u yeesho itijaah quman.
Waxaa la ogaaday in dal aan lahyn ciidan uunan la jaanqaadi karin dunida inteeda kale, isla markaana uu ku dhacayo dib u dhac dhinac kasta ah oo ay ugu horayso Amaan darro, laakiin haddii uu dalku yeesho ciidan usluubaysan uu dalka isu bedelayo goob barwaaqaysan, kana maran cadaalad darro iyo faquuq kasta oo ka dhex jiray bulshada dhexdeeda.
Xeradaan cusub ee haatan laga hirgaliyay magaalada Muqdisho ee turkiga ugu deeqay Soomaaliya, si uu ugu tababaro Ciidanka Soomaalida, ayaa sida la xaqiijiyey waxaa saldhigaan markiiba lagu tababari karaa in ka badan 1.500 oo Ciidan ah oo isugu jira Saraakiil sar-sare, Saraakiil xigeen iyo alifleey.
Haddaba waxaa muran ka taagneyn markii la helo Ciidan Soomaaliyeed oo nadiif ah oo si aad ah u qalabeysan in dawladnimada Soomaaliyeed ay si quman u istaagi doonto, isla markaana laga adkaan doono Argagixisada iyo cid kasta oo ku soo xadgudubta jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed, waxaa la rajeynayaa in goor dhow uu saldhigani ka bilaabmi doono tababarka Ciidanka ugu horreeya, iyadoo sanooyin kooban ka dibna uu dalku yeelan doono Ciidan u shaqeeya Qaranka soomaaliyeed oo soo celiya karaamada Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaa, haddaba waxaa dhihi kara Saldhiggaani Milatari waa mid mustaqbilka loo aayi-doono.
W.D.C/laahi Ruush