Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Falalka argagixisadu ma hor istaagi doonaan dadaalka dowladda ee horumarinta dalka

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir Daahir Geelle oo faah faahin ka bixiyay howlgalkii ay ciidamada ku soo afjareen weerarkii argagixisada “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaaraynaysaa weerarka ay  soo qaaday kooxda argagixisada al-Shabab.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in al-Shabab ay guul darro xoog leh kala kulantay weerarkii argagixisnimada si la mid ah kii ay ku qaadeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Wasiirka, ayaa sheegay in weerarada al-Shabab ee nafla-caariga ah, aysan sii jiri doonin, maadaama ay waddo qaldan, oo ka fog bini’aadaminimada iyo diinta Islaamka ay ku socdaan.
“Ciidamada Amiga Qaranka, waxay ku ammaanan yihiin sidii ay uga hortageen weerarka oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba qarax. Ciidamadu waxay ku guuleysteen in ay hor istaagaan arxanlaawayaasha dhiigga shacabka caadaystay ee al-Shabab in ay gaaraan goobta ay qaraxa la damacsanaayeen kadib markii rasaas ay huwiyeen, ayaa mid ka mid ah 2 gaari oo qarax laga soo buuxiyay wuxuu ku qarxay meel u dhow taaladda SYL, waxaa sidoo kale ay ciidamadu Isla goobta ku dileen dhowr ka mid ah maleeshiyada al-Shabab ee la marin-habaabiyay.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Wasiirku, wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay xil weyn iska saarayso daweynta dadka rayidka ah iyo ciidamada ku dhaawacmay, iyadoo uu tacsi u diray dhamaan intii ku geeriyootay.
Wasiirka, ayaa sheegay in aan loo hakan doonin weerarada Islaamnimada ka baxsan ee kooxdan caadeysatay in ay ku qaadaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedkoodu yahay in nabadda iyo xasiloonida dalka ka jirta ay qalqal-galiyaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay horey ugu tallaabsatay guulo ay ka soo hoysay kooxda argagixisada oo laga saaray goobo badan oo ay xoog ku lahaayeen, Isla markaana si xoog leh loo wiiqday awoodda kooxdan, taasoo keentay in weerarada noocan ah ee maatida lagu beegsado iyo kuwa gaadmada ah ay doorbidaan. “waqti yar ayaa u dhiman kooxdan” ayuu yiri Mudane Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Previous Post

Shir looga hadlayey wada shaqeynta Wasaaradaha Beeraha Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada oo ka dhacay Muqdisho+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo siweyn loogu soo dhaweeyey Brussels+sawiro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo siweyn loogu soo dhaweeyey Brussels+sawiro

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo siweyn loogu soo dhaweeyey Brussels+sawiro

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In