Heyโadda FAO iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bilaabay wada-hadaladii ugu horreeyay ee loogu diyaargaroobo Shir-weynaha Qaramada Midoobay ee bishaan looga hadlaayo nidaamyada cuntada dunida.
Wadahadaladaan hordhaca ah ee ka bilaabmay gudaha dalka oo khuseeya heer gobol , heer Qaran iyo Heyโadda FAO,waxaa loo qorsheeyey in lagu qabto lix gobol,si gabagabada loo helo waddo loo maro wax ka qabashada caqabadaha nidaamka cuntada ee Soomaaliya.
Wada-hadallada la xiriira Nidaamka Cunnada Soomaaliya, oo ka billowday jubada-hoose,waxaa ujeedku yahay in ka qeybgalayaashu ay fikrado ku biiriyaan shirweynaha Qaramada Midoobay ee looga hali doono caafimaad qabka cuntada. .
Shir -madaxeedka Qaramada Midoobay ee bishaan ka dhacaya magaalada New York ayaa la filayaa in looga hadlo Helidda nidaam cunto caafimaad leh, waara iyo hagaajinta nidaamyada cuntada ,si sanadka 2030 ย loo gaaro Yoolalka Horumarka la hiigsanaayo .