Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Faransiiska oo ku guuleystay markii labaad koobka aduunka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha
0
Faransiiska oo ku guuleystay markii labaad koobka aduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Fransiiska ayaa ku guuleystay Koobka aduunka markii labaad tariikhda, labaatan sano ka hor ayeey ahayd markii faransiiska uu ku guuleystay koobka aduunka ayadoo sidoo kale Croatia labaatan sano ka hor ay u ahayd markii ugu horeysay oo koobka aduunka uu u soo baxo ka qayb qaadashadiisa labataan sano oo xiligaasi ka soo wareegtay waxaa ay soo gaaren kama danbeysta koobka markii ugu horeysay balse uma suurta gelin in ay ku guuleystaan koobka aduunka balse waxeey noqdeen dalkii sadex iyo tobanaad oo koobka aduunka kama danbeystiisa ciyaaro.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Mandzukic ayaa dhaliyay goolkii ugu horeyay ee koobka aduunka sanadkaan kama danbeystiisa waxaana uu ahaa gool uu ka dhaliyay dalkiisa oo faransiiska uu hogaanka ugu qabtay ciyaarta,

Gool iyo gool waxaa ka dhigay Perisic oo barbareyay goolkaasi hase yeeshe rigooro uu gacan ku taabtay ayaa waxaa gool u badalay Griezmann  2-1 ayaa lagu kala nastay qaybtii hore ee ciyaarta.

Pogba iyo Mbappe ayaa  4-1 ka dhigay ciyaarta ayadoo Pogba uu sadex ka dhigay halka Mbappe uu ka dhigay afar waxaana uu noqday xidigii labaad ee ugu da’da yar ee kama danbeysta koobka aduunka gool ka dhaliya waxaana ugu danbeysay dhalinyaro koobka aduunka kama danbeystiisa gool ka dhaliyo Pelle 1958-kii xiligaasi oo pelle uu koobkii la tagay.

Deschamps Macalinka xulka qaranka faransiiska ayaa waxaa uu noqday shaqsigii sadexaad ee koobka aduunka ku guuleysta asaga oo macalin ah iyo ciyaryahan waxaana horey sidaasi oo kale u sameeyay franz beckenbauer oo Jarmalka ahaa iyo Mario Zagallo oo ahaa Brazil haatan Didier Deschamps ayaa noqday shaqsigii sadexaad oo sameeyay kaasi oo ku guuleystay koobkii aduunka ee Faransiiska 1998-dii asaga oo ahaa kabtankii xulka qaranka Faransiiska ee koobkii la tagey 20-sano kadib ayuu faransiiska u suurta geliyay asgaa oo macalin ah in uu ku guuleysto koobka aduunka.

Xaflada Xiritaanka koobka aduunka ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha dalka Ruushka Putin iyo Madaxweynaha dalka Faransiiska Macron iyo Ra’isul wasaaraha dalka Croatia iyo madaxweynaha Fifa Infantino iyo madax kale xaflada ayaa abaal marinta ugu horeysay waxaa la gudoonsiiyay Kylian  Mbappe ayaa ku guuleystay laacibka ugu da’da yar xidigaha ka soo qayb galay tartanka koobka aduunka sanadkaan 2018 ayadoo Luka Modric oo ahaa kabtanka Croatia la gudoonsiiyay laacibka ugu wanaagsan tartanka Goolhayaha Belgium Thibaut Nicolas Marc Courtois ayaa sidoo ku guuleystay goolhayaha ugu wanaagsan tartanka kaasi oo dalkiisa uu galay kaalinta sadexaad Harry Kane ayaa sidoo kale la gudoonsiiyay kabaha dahabka oo uu ku guuleysto xidiga goolasha ugu badan dhaliyay halka abaal marinta ugu danbeysay uu ahaa koobka aduunka waxaana la gudoonsiiyay Goolhaye Hugo Lloris oo iska barbareeyay Iker Cassilas oo ahaa goolhayahii xulka spain ee 2010.

 

 

Previous Post

Wasiirka Amniga XFS oo Muqdisho ka furay shirka dardar gelinta Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda+Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha degmada Xudur oo kormeeray Mashaariic ka socda degmadaasi+Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha degmada Xudur oo kormeeray Mashaariic ka socda degmadaasi+Sawirro

Guddoomiyaha degmada Xudur oo kormeeray Mashaariic ka socda degmadaasi+Sawirro

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In