Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faransiiska oo lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa xasuuqii Rwanda

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Faransiiska oo lagu eedeeyay in uu mas’uul ka ahaa xasuuqii Rwanda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixin uu soo saaray guddi 15 xubnood ka kooban oo baarayay xasuuqii Rwanda ee dhacay 1994 ayaa lagu sheegay in Faransiiska uu gabay mas’uuliyadda wax ka qabashada dhibaatadaas, laakin guddiga taariikhyahnada ahi ma helin caddeyn ah in Faransiiska si toos ah ugu lug lahaa falkaas.

Warbixinta ayaa loo gudbiyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxayna aheyd mas’uuliyad oo Faransiiska indhaha ka qabsaday ka hor tago abaabulka xasuuqaas.

Related posts

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026

Ugu yeraan 800,0000 oo qowmiyadda Tutsiga ah ayaa waxaa laayay maleeshiyaad mayal adag oo ka soo jeeda qowmiyadda Hutu.

Guddiga ayaa darsay dukumentiyada Faransiiska ee ku saabsan dalka Rwanda.

Dowladda Rwanda oo had iyo jeer Faransiiska ku eedeysa in uu ku lug lahaa xasuuqa ayaa  soo dhaweysay warbixintan.

Xukuumadda waxay sheegtay “ soo jeedinta waa talaabo muhiim ah oo loo qaaday is faham guud oo ku saabsan doorkii uu Faransiiska ku lahaa xasuuqa loo geystay dadkaTutsiga ahaa”.

Warbixinta waxay eedeysay madaxweynihii xilligaas ee Faransiiska Francois Mitterrand, sida uu ugu guuldareystay in uu la yimaado siyaasad ku aadan Rwanda ee berigaas.

Warbixinta ayaa hadda dibadda la soo dhigay ka dib sanado saraakiisha Faransiisku sheegi jireen in la qariyo xiriirka ka dhexeeyay Faransiiska iyo hogaamiyaha Hutu ee maamulayay dalka Rwanda xilligaas.

Labo sano ka hor ayaa madaxweynaha Faransiiska uu magacaabay guddi baaray doorka Paris ku laheyd xasuuqii Rwanda ee 1994, ayagoo gacanta loo geliyay dhammaan feelasha madaxtooyada, diplomaasiyiinta, militiriga iyo sirdoonka dalka Faransiiska ee ku saabsan dalka Rwanda.

Wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaya guddoomiyaha guddiga Vincent Duclert oo ah,, taariikhyahan, ayaa soo warisay in wixii Rwanda ka dhacay 1994 ay lamid ahaayeen xasuuqii Yuhuudda ee Holocaust.

Xasuuqa ayaa bilowday 6 Abril 1994 kolkaas oo diyaarad ay wada saarnaayeen madaxweynaha Rwanda iyo dhigiisa Burundi lagu soo riday dalkaas.

Dowladda Rwanda ayaa qudheeda sheegtay in dhowaan daah ka rogi doonto warbixin ka hadlaysa doorka Faransiiska uu ku lahaa xasuuqaas.

Faransiiska waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa kamid ah in degaanada ciidanka Faransiiska ka howlgali jirey ay gabaad u noqotay maleeshiyaadka xasuuqa ka dambeeyay.

Xigasho: BBC

Previous Post

Ururka Dhakhaatiirta Turkiga: “waxa ka socda dalka waa Dil wadareed”

Next Post

Khasaaraha Ganacsiga oo Caalamka Ka soo Gaaray Markabka Ku Caariyay Marinka Suweys

Next Post
Khasaaraha Ganacsiga oo Caalamka Ka soo Gaaray Markabka Ku Caariyay Marinka Suweys

Khasaaraha Ganacsiga oo Caalamka Ka soo Gaaray Markabka Ku Caariyay Marinka Suweys

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In