Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 year ago
in Wararka
0
Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:- Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee ku guuleysata bilad dahab ah oo caalami ah dhinaca feerka, isla markaana hanatay guulo isdaba joog ah, ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya,qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa sheegtay in guusha Ramla Cali ay tahay mid Soomaaliya u soo hoysay sharaf weyn.

Wasiir Khadiija ayaa tiri: “Ramla Cali waxay adduunka ku matashay calankeenna Soomaaliyeed, waana ku faraxsanahay inaan maanta dalkeeda hooyo kusoo dhaweyno.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cusmaan oo soo dhaweynta qeyb ka ahaa ayaa yiri “Feeryahanad Ramlo Cali waxay muujisay inay gabdhaha Soomaaliyeed yihiin kuwa adkeysi badan oo fagaarayaasha caalamka wacdaro ka dhigi kara.”

Dhankeeda, Ramla Cali oo warbaahinta la hadashay ayaa u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan intii soo dhoweynta u sameysay, iyadoo sheegtay in ay ku faraxsan tahay in guushaas ay la wadaagto ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Next Post

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shalambood si rasmi ah uga daahduray diiwaangelinta dadweynaha

Next Post
Feeryahanad Ramla Cali oo sii diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shalambood si rasmi ah uga daahduray diiwaangelinta dadweynaha

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdifaatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, xarunta...

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In